|

Tikniko Tiro Badan oo Gaaf wareegaya Deegaamadda Gobolka Saaxil,Xaalada Berbera oo Weli Kacsan,Mudaharaad Maanta Dhacay iyo Maamulka Gobolka oo ka hadlay Dhacdooyinkii Shalay DAAWO

Berbera 22.Oct 2015 (SDN/QJ)- Magaalo Xeebeedka Berbera ayaa Waxa weli ka aloosan kacdoon ka dhan ah Talaabadii ay Xukuumadu Sida Jujuubka ah ugu Wareejisay Kaydka Haamaha Shiidaalka ee Magaaladasi Shirkado Macaash doon ah.

Waxaa Kulan ku Yeeshay Qasriga Madaxtooyadda Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Iyo Duqay ka Tirsan Gobolka Saaxil, Xili uu Madaxweynuhu Safar ku Joogay Ingiriiska Waxayna ku heshiiyeen Sadex qodob oo Sheegayay in Odayaashu ay soo xereeyaan Dhallinyaro loo Tuhmayay inay Gadood samaynayaan,In Xukuumadu dib u dhigtay Go’aankii ay ku Wareejinaysay Maamulka Kaydka Haamaha Shiidaalka iyo in Xukuumadu u Xilsaaran tahay Sugida amaanka.

Sida Wararku Sheegayaan waxay Xukuumadu ka baxday Heshiiskaas iyadoo Odayaashii Markii ay soo Xereeyeen Wiilashii Tuhunka laga qabay u Jartay Xukun Xabsi,Sidoo kalena Wareejisay Kaydka Haamaha Shiidaalka ee Berbera.

Amuurtan ayaa Sababtay in Kooxo aan ilaa iminka la aqoonsani ay Jid gooyo ka Galeen Buurta Dawga Sheekh,Sidoo kalena Kooxo kale ayaa iyana Taayirada ka Rasaas kala dhacay Baabuur booyad ah oo Shiidaal ka soo qaaday Kaydka Haamaha Berbera.

Gaadiidka Gaashaaman ee Ciidamadda oo Laxaadkoodu badan yahay ayaa ilaa Shalay ku sii Qulqulayay Magaalada Berbera isla markaana raacdo ugu jira sidii ay u soo qaban lahaayeen Kooxaha lagu eedaynayo inay falalka nabadgalyo daro ka abuurayaan Gobolka Saaxil,Kuwaas oo dadweynaha Berbera u arkaan Kuwo ka soo hor jeeda dulmi ay ka tirsanayaan Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

Maamulka Gobolka Saaxil, Iyo Ka Degmada Berbera ayaa Maanta ka hadlay Dhacdooyinka ka soo Cusboonaaday Magaalo Xeebeedka Berbera.

Dhanka Kale Mudaharaad kooban oo lagaga soo horjeedo Wareejinta Hamaha Shidaalka ayaa Waxa uu Maanta ka dhacey magaalada Berbera,Ciidamada Booliiska ayaa ka Hawl galay soo afjarida Mudaharaadkaas,Sidoo kalena Xildhibaano iyo Duqayda Gobolka Saaxil ayaa eedo u soo Jeediyey Maamulka Gobolka.

Comments are closed