|

Ururka Midowga Yurub oo Malaayiin doollar ugu yaboohay Hawlgalka AMISOM ee Soomaaliya

Muqdisho,21Oct,2015(QJ/SDN)-Ururka Midowga Afrika ayaa la saxiixday Midowga Yurub heshiis dhaqaale oo Midowga Yurub uu ku taageerayo howlgalka ururka Midowga Afrika ee Soomaaliya [AMISOM], kaasoo dhan 165-milyan oo Euros oo u dhiganta 186-milyan oo doollarka Mareykanka ah.

Heshiiskan oo maalintii Jimcaha ahayd lagu saxiixay xarunta guud ee Midowga Afirka ee Addis Ababa ayaa ku yimid codsi Midowga Afrika uu u diray Midowga Yurub, waxaana la sheegay in dhaqaalaha loogu talo-galay hawlgalka ciidamada AMISOM ee 01-da Juun illaa 31-ka December ee sannadkan 2015-ka. Sida ururka Midowga Afrika uu shaaciyay shalay.

“Dhaqaalahan wuxuu naga caawin doonaa bixinta mushaaraadka ciidamadeenna ku sugan Soomaaliya ee millateriga iyo booliiska iyo sidoo kale bixinta mag-dhowga ciidamadii ku geeriyooday Soomaalya intii ay howlgalladu socdeen. Waxaa kaloo ay naga caawinaysaa dayactirka qalabka ciidamadeenna iyo xerada tababbarka Jaziira ee Muqdisho,” ayaa lagu sheegay bayaan uu soo saaray ururka Midowga Afirka.

Guddoomiyaha golaha ammaanka iyo nabadgalyada Midowga Afrika Smail Chergui oo ka hadlayay heshiiskan ayaa ku ammaanay ururka Midowga Yurub taageerada joogtada ah ay siiyaan ciidamada AMISOM, isagoo xusay in guulaha ay ciidanku gaarayaan ay ku xiran tahay hadba dhaqaalaha ay helaan si howlgalladu horay ugu sii socdaan.

“Deeqdan lacageed waxay awood u siinaysaa in ciidamadeenu sii wadaan howlgalladooda, si ay u xoreeyaan deegaannada aan weli ku jirin gacanta dowladda federaalka Somalia, si waafaqsan sharciyada u yaalla Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay,” ayuu yidhi Smail Chergui.

Waxaa isaguna goobta ka hadlay wakiilkii matalayay ururka Midowga Yurub, isla maraana ah ku xigeenka xoghayaha guud ee horumarinta iyo iskaashig Midowga Yurub, Mr. Klaus Rudischhauser isagoo yidhii. “Ujeeddada guud ee lacagtan deeqda ah waa sidii ay ciidamada AMISOM awood ugu yeelan lahaayeen inay sii wadaan howlgallada ay ku xasilinayaan Soomaaliya.”

Ugu dambeyntii, bayaanka ururka Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in Midowga Yurub ay yihiin kuwa dhaqaalaha ugu badan ku bixiya hawl-galka AMISOM ee Soomaaliya tan iyo markii uu billowday sannadkii 2007-dii. Iyadoo lagu xusay in heshiiskan uu yahay kii 14-aad oo ay kala saxiixdaan ururrada Midowga Afrika iyo Midowga Yurub.

 

 

Comments are closed