|

Dablay aan la Aqoonsan oo Rasaas la Dhacay Gaadhi Booyad ah oo Shiidaal ka soo Qaaday Kaydka Haamaha Berbera Iyo Taliska Booliska oo ka Hadlay DAAWO

booyad
Berbera  21.Oct 2015 (SDN/QJ)-Booyad shiidaal oo mareysay wadada u dhaxaysa Hargeysa iyo Berbera isla markaana Maanta  Shiidaal ka soo qaaday Kaydka Haamaha Shiidaalka ee Berbera oo Doraad Xukuumadu ku Wareejisay Ganacsato Macaash doon ah ayaa lagu Soo Waramayaa in Dablay aan la aqoonsani ay Rasaas kala dhaceen Taayirada Booyadaasi.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in dadweynaha deegaanka Berbera badidoodu ka soo horjeedaan go’aanka xukuumaddu ugu wareejisay haamaha keydka shidaalka ee Berbera sharikado ganacsi oo aan tartan furan u soo marin , iyadoo Baarlamaankuna hore cod aqlabiyad ah uu ku diiday wareejinta haamaha shidaalka ee Berbera.

Sabtidii la soo dhaafay ayaa munaasibad xogteeda la ilaaliyay oo lagu qabtay xarunta Haamaha waxaa lagu wareejiyay shirkaddaha Shidaalka keena inay muddo 20 sanno ah maamulaan Kaydka Haamaha Shidaalka Berbera. xukumaddu bulshada umay sharixin sababaha kallifay wareejinta Haamaha.

Comments are closed