Gudida Nabadgalyada oo Sharciyadooda la Laalay oo Xukun Xadhiga ah Ku Riday Shan Nin oo Gobolka Saaxil u dhashay iyo Sababaha Keenay
Berbera 21.Oct 2015 (SDN/QJ)- Guddi Nabadgelyo oo ka abuuran magaaladda Berbera ayaa xalay xukun deg deg ah ku riday shan Muwaadin oo laga soo qabtay magaaladda Sheekh iyaga oo ku sii jeeda magaaladda Burco, waxaana lagu Eedeeyey inay xaalad Nabadgelyo darro abaabulayeen.
Shanta qof ee Guddida Nabadgelyaddu xukuntay ayaa la sheegay in lagu riday ciqaab ah xadhig midkiiba uu xabsiga ku qaadanayo muddo Bil ah, waxaana la filayaa in loo dhaadhicinayo xabsiga Mandheera.
Ilo wareed ku sugan Berbera ayaa Warbaahinta u sheegay in saldhiga Dhexe ee Berbera Amaankiisa aad loo adkeeyey, kadib markii go’aankani soo baxay, waxaana la sheegayaa in ay Booliisku ka cabsi qabaan in ay soo baxaan dad diidan Xukunkan.
Saldhiga Booliiska Berbera ayaa lagu arkayey baabuur gaashaaman oo Tikniko ah, kuwaas oo ku gaaf-wareegayey agagaarka xarunta Booliiska oo ah halka ay ku xidhan yihiin dadka la xukumay.
Ma jiro war cad oo ka soo baxay Xukuumadda oo caddaynaya Xukunkan, hase yeeshee sida wararku ku soo gaadhayaan Waaheen waxa la sheegayaa in xukunkaasi dhacay, isla markaana ay gaadheen Guddi lagu sheegay Guddi Nabadgelyo ee Gobolka ka jirta, taasoo aanay dhagaha dadku maqal illaa dhawr sano.
Guddidan ayaa loo aanaynayaa sababta loo adeegsaday kadib markii Maxkamadda Gobolka Saaxil ay diiday inay xidho dad aan danbi lahayn ama aanay Maxkamaddu xukun ku ridin. Sidoo kale Booliiska ayaa hore u diiday awaamiir la xidhiidhay in sidan oo kale dad loo xidh xidho, hase yeeshee maalmahan waxa la arkayey ciidamo cusub oo aan Gobolka hore u joogin oo loo adeegsaday wareejinta Haamaha Shiidaalka.
Wararka ka soo baxaya magaaladda Berbera ayaa sheegaya in Guddidan Nabadgelyada ee Xukunka gaadhay aanay jirin meel ay fadhiisatay oo ay qaraarkan ku gaadhay, inkasta oo hore loo mamnuucay xukunada Guddiyadaas oo dalka hore uga jiri jiray, balse Xukuumadda Kulmiye baabi’isay xiligii ay xukunka ku Guulaysatay.