Dagaal Ka Soconaya Qaybo Ka Mid Ah Xaafaddaha Magaalada Baladweyne.
Baladweyne,19Oct,2015(QJ/SDN)-Dagaal culus oo u dhaxeeya labo maleeshiyo beelleed yaa goor dhaw oo maanta ah ka qarxay xaafada Howl-wadaag ee magaalada Beledeweyne.
Dagaalka oo si lama filaan ah u qarxay, ayaa leysku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo rasaasta ay is-weydaarsanayaan dhinacyada iska soo horjeeda laga maqlayo guud ahaan xaafaddaha ay ka kooban tahay magaalada Beledweyne
Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka waxaana dhinaca kala soconaya abaabul ay wadaan ciidammada militariga dowladda Somalia iyo kuwa Midowga Afrika AMISOM oo la doonayo in lagu joojiyo dagaalka.
Dadka rayidka ah ee ku dhaqan xaafada howl-wadaag ayaa billowday durbaba inay ka barakacaan xaafaddaha ay sidda gaarka ah ay dirirta uga socto.
FAAH-FAAHFIN:
Waxaa wali halkiisii ka sii soconaya dagaal culus oo subaxnimadii hore ee saakay ka qarxay xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne.
Dagaalka oo la sheegay in markiisii hore uu ka bilaawday muran ka dhashay cashuur la doonayay in laga qaado gadiid kuwa xamuulka ah, ayaa u dhaxeeya labo maleeshiyo beelleed oo wadda dega xaafadda uu dagaalku ka soconayo.
Ciidammo ka tirsan kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM, gaar ahaan kuwa Itoobiya ayaa u dhaqaaqa goobaha ay ku dagaalamayaan dhinacyada iska soo horjeeda, balse waxaa muuqata in wali rasaastu halkeedii ka sii socto mar marka qaarna la maqlayo hub culus oo ay is-weydaarsanayaan dhinacyada iska soo horjeeda.
Inkastoo ilaa iyo hadda aan la ogeyn tirada dhimashada iyo dhaawaca, ayaa dhinaca kale warar soo baxaya sheegayaan in uu jiro khasaare ballaaran, madaama uu dagaalka ahaa mid si deg deg ah ku bilaawday xili ganacsiga iyo isku socodka dadka iyo gadiidka ahaa mid furan.
Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka magaalada ayaa ugu baaqaya dhinacyada iska soo horjeeda in ay xabada joojiyaan wixii khilaaf ah ee jiranna ku dhameeyaa wadda-hadal.
Maleeshiyada labada beellood oo marar badan oo hore siddan oo kale ugu dagaallamay xaafadda Howl-wadaag ayaa la leeyahay dagaalka maanta mar kale ka dhax-qarxay kama marna arrimo siyaasadeed.
Lama oga tallaabada ay ciidanka dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM qaadi doonnaan saacadaha nagu soo foolka leh haddii uu dagaalku siddan ku sii socdo.