|

Murashax Xildhibaan Axmed Kijaandhe oo Iftiimiyey Nuxurka uu Qaranka ugu Fadhiyo Maxsuulka ka soo baxa shirka Golaha Dhexe ee Kulmiye

Hargeysa 18.Oct 2015 (SDN/QJ)- Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe oo isna ah murashax Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye ugu Tartami doona Marka uu furmo Shirka 5aad ee Golaha Dhexe ayaa Munaasibad ay Xulufada uu ka Tirsan yahay Cududooda ku soo bandhigayeen Waxa uu ka sheegay Maxsuulka ka soo bixi doona Shirka Golaha Dhexe ee Kulmiye.

Xildhibaan Axmed KijaandheXildhibaan Kijaandhe, ayaa yidhi “Waxa aynu doonaynaa inaynu sameyno Madaxweynihii ama Hogaamiyihii barito, maaha arin xun ama arin aynu cid ku xumaynayno, waxa taas weheliya oo aynu ku daraynaa Xisbigeeni oo ka leexday dariiqi ayeynu doonaynay inaynu ku soo celino, waa labadaas arimood labada arimood ee aynu iskugu nimid, runtii labada arimoodba waxa ay ka mid yihiin dhisitaanka Qaranka hagaajintiisa iyo wanaajintiisa, waxa aynu doonaynaa inaynu doorano Ninkii dalkan hogaamin lahaa,waxa aan rumaysan ahay in Ninka Musharaxa ah ee ka soo baxa Kulmiye, inuu u dhaw yahay boqolkiiba Sagaashan (90%), Madaxweynihii barito, ilayn waa Xisbigaygiiye, dabadeed weynu ka fiirsanaynaa,Ninkii hogaamin lahaa ayeynu dooraynaynaa, nidaamka muhiimka ah ee dalkan iyo caruurteena soo socota, boqolka sanno ee soo socda, muhiimka u ah inaynu doorano ayeynu doonaynaa, hawl yar maaha.” Wuxuu intaas raaciyay, “Nin musharaxa ah oo aniga oo kale ah ayaa Xisbiga hawl maalmeedkiisi gacanta ku haya, baaqa aan diraya waxa weeye ha iska leexiyo oo dadkii ku haboona ee dhex dhexaadka ah hawshaas ha loo daayo, baaqa aan u dirayaa kaa weeye, waxa aan marti u ahay oo aan doonaya madal aan ka calaf qaado oo xalaal ah.”

Comments are closed