“ILLAAHAYOOW haddii uu kursigaasi khayr iigu jiro I sii haddii aanu igu jirina iga daa” Wasiir Maxamed Biixi DAAWO
Hargeysa 18.Oct 2015 (SDN/QJ)- Wasiirka arrimaha dibadda Maxamed Biixi Yoonis oo ka mid ah murashixiinta tartamaysa, ayaa khudbad ka Jeediyey Madal ay Murashixiintooda huwanta ahi ku qabteen Magaalada Hargaysa Waxaanu sheegay inuu wadanku u baahanyahay horumar dhaqaale iyo siyaasadeed, “ILLAAHAYOOW haddii uu kursigaasi khayr iigu jiro I sii haddii aanu igu jirina iga daa, Saddexdaydaa Musharaxa iyo Musharaxyada doonaya inay u tartamaan jagada Musharaxa Madaxweyne ku xigeen intayduba waxa aanu ku suntanahay kuna tilmaamanahay in aanu Shuruucda Wadanka u hogaansano iyo Shuruucda Xisbiga oo aanu tartan xalaala galno, waxa aanu leenahay Xisbiga Wadanka xukunkiisa haya ee Kulmiye waa xisbul xaakimki inuu jiro oo uu guulaysto oo uu ka badiyo labada xisbi ee kale ayaanu doonaynaa, waxa aanu doonaynaa inuu xisbigeenu soo baxo, oo aynu noqono Xisbiga taladda haya ee marka uu ka tago ama ay ka dhamaato Madaxweynaha maanta Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), in wixii uu ka tagay halkaas ka sii qaadno,waxa aanu is leenahay Xisbigu wax badan ayuu qabtay, Xukuumaddu wax badan ahey qabatay waxa aanu is leenahay Kulmiye ninkii ka soo baxaaba halkaas ayuu ka sii qaadi doonaa.”
wuxuu Maxamed Biixi Yoonis, intaas raaciyay oo uu sheegay inuu isu arko hoggaamiye haddii la doorto wax badan qaban kara “Anigu shaqsiyan haddii aan fursadaas helo waxa aan is leeyahay Maanta wadankani halka uu jooogo hore ayaad uga qaadi kartaa, Wadankani waxa uu u baahan yahay Maanta horumar, Dhaqaale, Nabad, Nabad baanu ku baaqaynaa,aniga iyo asxaabtayduba Nabad ayaanu ku baaqaynaa, colaad dambe iyo qakh Umaddani diyaar uma ah, ogalaan maynana in Nin maroorsado oo uu yidhaahdo wax baan dilayaa wax aanu aqbali karayno maaha.”