Wasiir Nasabkiisa Awgii Loogu Cunsuradeeyay Xisbiga KULMIYE (DAAWO)
Hargeysa,18Oct,2015(QJ/SDN)-Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Hawlaha guud, guryeynta iyo gaadiidka Somaliland, Cali Cabdi Saa’iq ayaa cabasho ka muujiyey hadal gef ku ah haqsiyaddiisa iyo Beeshiisa Gabooye oo uu sheegay inuu u badheedhay Masuul aanu magaciisa sheegin.
Wasiir Saa’iq oo ka mid ah xubnaha Golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE oo Maanta ka hadlayey (Shalay), Munaasibad aqlabiyadda guddida fulinta iyo Musharraxiinta la loolamaya Guddoomiyaha KULMIYE ku qabteen Hargeysa ayaa isaga oo ilmaynaya sheegay in qofka ku gefay uu beeshiisa ku sifeeyay kuwo aanu ILLAAHAY u abuurin wax wanaagsan. Waxaana isla markiiba arrintaasi raali galin ka bixiyay labada Murashax ee kala ah Murashax Kijaandhe iyo Murashax Cabdicasiis Samaale.
Halkan Hoose Ka Daawo Wasiir Cali Cabdi Saa’iq Oo Si Qiiro Leh Arintaasi Uga Hadlaya:
QJ/SDN: Hargeysa