Komiishanka Doorashooyinka Qaranka oo ku Guul daraystay Qabashada Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha,Iyo Saamaynta ay ku Yeelan karto in Doorashooyinku Xiligoodii ku dhacaan.
Hargaysa 17.Oct 2015 (SDN/QJ)- Komiishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa Ilaa iminka aan Samayn Qaban qaabo ku aadan u diyaar garowga Hawsha Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo ah Qodob udub dhexaad u aha in doorashooyin Xor iyo Xalaal ahi ka dhacaan Somaliland.
Todobada Xubnood ee uu ka Kooban yahay hay’adda Komiishanka Doorashooyinku oo Lix ka Mid ahi Yihiin Shakhsiyaad ku Cusub hawlaha doorasho ayaa aragti ahaan Shaki laga Muujiyey Markii la soo magacaabay Sida ay uga Midho dhalin Karaan inay dalka ka badbaadiyaan Khilaaf Siyaasadeed oo ka dhashay Dib u dhacyada doorashooyinka Madaxtooyadda iyo Golaha Wakiiladda oo Isku Lamaan,Sidoo kale waxaa dadka Siyaasada rog rogaa ay Saluug ka qabeen Isku Xidhnaanta Xubnahan,Kadib Markii fadhigoodii Kowaad uu Khilaaf ka dhashay Doorashada Hogaankooda,Inkastoo Markii danbe Xubno Komiishanka ah oo diidanaa nidaam ay ku tuhmayeen in Madaxtooyadu dhabar taabasho ku soo samaysay Sadexda Xubnood ee Madaxweynuhu soo Magaacabo oo ay Soo raacaan Labada Xubnood ee Guurtidu soo Xusho oo ay ku doodeen kuwaas oo ay Xuseen in laga hagayo Xarunta Madaxtooyadda.
Labada Xisbi Mucaarid ee Ucid Iyo Waddani ayaa si adag ku Liqay in Hogaanka Komiishanka Doorashooyinku uu ka baydhay Sunihii hore loogu dooran jiray Iyadoo marka Gudoomiyaha ay qaataan Xubnaha uu Madaxweynuhu soo Xulo ay Ku Xigeenka qaadan Jireen Xisbiyada Mucaaridku hasa Yeeshee waan waan kadib Waxay Mucaaridku ku qanceen in dhamaantoodba ay dhaar ku mareen inay hab dhex dhexaad ah ula shaqaynayaan dhinacyada ay u Garsoorayaan.
Xubnaha Komiishanka ayaa Shir Jaraa’id oo ay qabteen 09.03.2015 waxay ku Shaaciyeen inay Guud ahaan dalka ka qaban doonaan diiwaangelinta Codbixiyeyaasha dabayaaqada bishii July amase kadib bisha Ramadaan taas oo Socon doonta Sida ay Sheegeen Mudo 4 Bilood ah,Waxaana Go’aankaas aqbalay soona dhaweeyey Sadexda Xisbi qaran ee Kulmiye,Waddani Iyo Ucid.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa Sida uu Sharcigu dhigayo waxa uu Cayimaada Maalinta diiwaangelintu dhacayso ku soo saaray Digreeto rasmi ah.
Hadaba Su’aasha Maanta taagan ayaa ah Sababta Komiishanku ilaa haatan u agaasimi la’yihiin Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha,Sidoo kale Waxaa meesha ka Maqan doorkii Xisbiyada Mucaaridka ah oo ah kuwa ay sida Tooska ah u saamaynayso dib u dhac ku Yimaada qabsoomida diiwaangelinta codbixiyeyaasha.
Si kastaba ha ahaatee Waxaa Muuqata Waayo aragnimo la’aan ka Muuqata Xubnaha Komiishanka oo Lix ka Mid ahi ku Cusub Yihiin Maamulka hay’adan iyadoo Xubinta uu soo magacaabay Xisbiga Ucid uu ka Mid ahaa Komiishankii hore ee Labada doorasho ee Madaxtooyada iyo Golayaasha Deegaanka dalka ka qabtay hasa Yeeshee Xubintan ayaa Mar qaatay Go’aan uu isaga casilayo Gudida Doorashooyinka Qaranka inkastoo markii danbe laga hawl galay in la baajiyo Is casilaada uu qaatay.
Marka amuurtan la isku soo Xooriyo Ma Muuqato saan saan Muujinaya in Komiishanku Sannadkan aynu ku guda Jirno ku qabanayaan Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha waxayna tani dib u ridi kartaa in doorashooyinku ku dhacaan xiliga loo asteeyay sidoo kale waxay dalka ka abuuri kartaa Khilaaf Siyaasadeed oo u dhexeeya dhinacyada daneeyeyaasha ah Sida Xisbiyadda Qaranka iyo Xukuumadda.
Hargaysa SDN/QJ