|

“Waxaan Wadanaa Aqlabiyadii Golaha, Taas Ayay Diidan Yihiin Kuwa Naga Soo Hor-jeeda” Cabdi Casiis Maxamed Samaale

Hargaysa 17,Oct 2015 (SDN/QJ)-Wasiirkii hore ee maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Sammaale, ayaa sheegay in eedo u jeediyay Madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Saylici iyo Guddoomiyaha xisbiga tallada haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, waxaanu sheegay inay baal mareen shuruucda xisbiga KULMIYE.
samaale
“Kulankayagu waxa weeyi saddexdayadii musahrax ayaa samaynay casuumad aanu iskugu yeedhany golihii dhexe iyo taageerayaashayaddii si aanu u tusno awoodda aanu ku dhex leenahay golaha dhexe. Waxaana wadanaa aqlabiyadii golaha taas ayay diidan yihiin kuwa naga soo horjeedda.” Ayuu yidhi Cabdicasiis Sammaale

Waxaanu intaas ku daray“Afarta musharax ee u tartamaya xisbiga dhexdiisa waa in loo sinaadda xisbiga dhexdiisa, maaha in Gudoomiyaha oo musharax ahi uu yeedhayo ama ku takri fallo awoodii xisbiga, Madaxweyne ku xigeenka oo aanu utagnay jawaab aanu ku qanacno nama siin waxana u aragnay inuu la safan yahay gudoomiyaha”. Ayuu yidhi Cabdicasiis Maxamed Sammaale

 

Comments are closed