|

GARGAARA: Maanso Summad U Ah Xuska Maalinta Xuska Shuhadada SNM Ee 17 October

Hargeysa,17Oct,2015(QJ/SDN)-Maansadan Gargaara  waxa 17-kii October 1984-kii, tiriyey Mujaahid Abwaan Cali Xasan Aadan (Banfas), waxaana uu ka tiriyey  geeridii mujaahid Lixle, isaga oo markaas uu tirinayo abwaanku  ku jiray xabsiga Madheera gaar ahaan meesha loo yaqaaney ‘Qabta’ oo ahayd goob-tacadiyeed lagu xidhi jiray dadka siyaasad ahaan uga soo horjeedsada xukuumaddii kacaankii macangaga ahaa. Maalintaasi waxaa kula sugnaa xabsiga Madheera oo ay goobtaasi ku wada jireen dhalinyaro arday ahayd oo iyagana xukuno kala duduwan ay ku riday Maxkamad ku sheegtii ‘Badbaadada’ ee dadka lagu dhibi jiray. Dhalinyaradaasi waxaa kamid ahaa Cabdirsaaq Alpha iyo Bidhiidh oo isagu dagaaladii xoreynta markii danbe ku geeriyooday.
553186_593265077377286_237023225_nMarkii uu arkay Cali Xasan sida ay u gargariirayaan ciidamadii ku sugnaa xabsigu ee ay u baqanayeen, iyagoo qofkasta oo ay tuhmayeen katiinadii ku xidhneyd mid kale ugu darayeen, qufuladana ay qaar dheeraada ku sii xidhayeen. Guul guulkoodii markii ay arkeen, gariirkiina soo gaadhay dagaaladii ka socdey buuraleyda Gacan-Libaax ee Cadaadley agagaarkeedu ay kamid ahayd dhulkii la iska helay. Intaa kadibna ay maqleen geeridii mujaahdi Maxamed Xaashi Lixle. Ayaa uu Cali Xasan dareenkii maalintaasi jiray ku soo bandhigay maansadan.
Waxay ka hadleysaa maansadan magaceedu yahay Gargaara arimo farabadan, oo isugu biyo shubanaya in geerida Lixle iyo mujaahidiinta kaleba ay keeni doonto kacdoon iyo gadood dadweyne sidaana lagu gaadhi doono guusha lagu taamayey.
Hadaba, waxaan maanta halkan idiinku soo gudbinayaa maansadii Gargaara ee lagu xusi jiray maanlinta Mujaahidka ee 17-ka October.
Waana sidan anigoo qayb kamid ah soo qaatey maansadaasi aadka u dheer ee Gargaara, kusoo dhawaada:

halkan idiinku soo gudbinayaa maansadii Gargaara ee lagu xusi jiray maanlinta Mujaahidka ee 17-ka October.

Waana sidan anigoo qayb kamid ah soo qaatey maansadaasi aadka u dheer ee Gargaara, kusoo dhawaada:
• Waxaan gabaygeyga;
• Guubaabada ciilka;
• Barbaarta gedayda;
• Katiinadu goysey;
• Guhaadda Wuxuushta;
• Gubtoon ledi waayo;
• Haddaanan hadaanan;
• Haddaanan gadoodka;
• Lixloow gu’ga maanta;
• Lasoo hadhin guusha;

  • Hadaanan hadaanan;
    • Hadaanan gadoodka;
    • Lixloow gu’ga maanta;
    • Lasoo hadhin guusha;
    • Waxaan gabaygeyga;
    • Guubaabada ciilka;
    • Gubtoon ledi waayo;
    • Go’aanka la qaatey;
    • Gudoonka hagaagay;
    • Hal guutiyo guuto;
    • Hal gaasiyo weerar;
    • Waxaan garideyda;
    • Had waagu guduutey;
    • Habeen kala guuray;
    • Carooga garaaco;
    • Galaaydiyo feylka;
    • Gariirka dhaqaaqey;
    • Gaashaanka midoobey;
    • Ragaan u galaydhey;
    • Haday gembiyaanoo;
    • Illaah na gargaarye;
    • Hadaanan hadaanan;
    • Hadaanan gadoodka;
    • Lixloow gu’ga maanta;
    • Lasoo hadhin guusha.
    • Waxaan gabaygeyga;
    • Guubaabada ciilka;
    • Anoo garbo duuban;
    • Ilmada gu’iweydey;
    • Gadhka iga dareerto;
    • Waxay guntu yeeshay;
    • Hadaan gondo dhiigle;
    • Go’yaasha ximreystey;
    • Galaal laga buuxshey;
    • Ka geysanayaaye;
    • Hadaanan hadaanan;
    • Hadaanan gadoodka;
    • Lixloow gu’ga maanta;
    • Lasoo hadhin guusha.
    • Waxaan gabaygeyga;
    • Guubaabada ciilka;
    • Gaadiidka hayaamay;
    • Gadh-qaadkiyo awrta;
    • Geeraariyo maanso;
    • Ku geedi gashaaba;
    • Goobtaan ku furaayo;
    • Waxaan guri oodka;
    • Gudmaha iyo hangoolka;
    • Galoolkaan yagleelo;
    • Usii gole xaadho;
    • Xareeda gadhoodhey;
    • Tigaada isgoysey;
    • Haddey gacalkeygu;
    • Gadhoodhkiyo haanta;
    • Ku geedo lushaanne;
    • Hadaanan hadaanan;
    • Hadaanan gadoodka;
    • Lixloow gu’ga maanta;
    • Lasoo hadhin guusha.
  • Waxaan gabaygeyga;
    • Guubaabada ciilka;
    • Gubtoon ledi waayo;
    • Geedkaan midhihiisa;
    • Usoo halgamaayey;
    • Gobkeyga bislaaday;
    • Hoobaanta isgaadhay;
    • Guntiisiyo baarka;
    • Hadaan gacanteyda;
    • La gaadhi karaayoon;
    • Ka gaajo baxaaye;
    • Hadaanan hadaanan;
    • Hadaanan gadoodka;
    • Lixloow gu’ga maanta;
    • Lasoo hadhin guusha.
  • Waxaan gabaygeyga;
    • Guubaabada ciilka;
    • Gubtoon ledi waayo;
    • Galoofta hashayda;
    • Hashayda gabnowdey;
    • Geestaad ka martaaba;
    • Hashuu gol-qaniinku;
    • Gunaadka u yeelley;
    • Gafuurka dhurwaagu;
    • Hashuu gujinaayey;
    • Hashuu garangoorku;
    • Kasoo go’ay dhiiga;
    • Hashaan gorofkeeda;
    • Afkaa gelin waayey;
    • Hadaan godlayaaye;
    • Hadaanan hadaanan;
    • Hadaanan gadoodka;
    • Lixloow gu’ga maanta;
    • Lasoo hadhin guusha.
    Waxa diyaariyey, Garyaqaan: Xasan Cali Xasan
    Phone: 063-4407217
    Email: qareenxasan@hotmail.com

1525394_1085348611505424_2842926087211476922_n

Comments are closed