Maxaa Sababay Shaqo joojinta Ay Sameeyeen Shaqaalihii Dhisaayay Darbiga Kenya ?
Nairobi,17Oct,2015(QJ/SDN)-Wararka laga helayo Xadka kala badha Soomaaliya iyo Kenya ayaa la sheegayaa in hakad uu ku yimid dhismaha darbiga dheer oo ay Kenya ka dhiseyso Xadka labada dal.
Wararku waxa ay sheegayaan in ku dhawaad 60 shaqaale u dhashay dalkaasi kuna howlanaa dhismaha darbiga ay si rasmi ah u joojiyeen shaqada.
Shaqaalaha joojiyay dhismaha ayaa la tilmaamayaa inay isugu darsantay Mushaar la’aan iyo hanjabaad is xigxigta, iyagoona lagu wargaliyay in dhismahaasi ay ku waayi doonaan noloshooda, sida ay qoreen qaar kamid ah warbaahinta dalkaasi.
Shaqaalaha ayaa waxaa isku biirsaday Hanjabaadaha Al-shabaab iyo dhaqaale xumi, taasi oo sababtay in hakat uu galo dhismaha darbiga.
Mashruuca dhismaha darbiga ayaa waxaa maalgelineysay Dowladda Kenya,waxaana ay ugu talo gashay in Al-shabaab laga hor istaago in ay ka soo gudbaan Xadka Soomaaliya oo ay weerar ka geystaan gudaha Kenya.
Ugudanbeyntii, Hoggaamiyaha kooxda dhiseysa Darbiga ayaa sheegay in dhismaha Mashruuca la qorsheeyay in lagu dhameeyo 6 bilood laakiin ay shaqaalaha lasoo daristay caqabado kala duwan.