Safaaradda Soomaaliya Ee Dalka Ciraaq Oo Dib Loo Furay 25-sano kaddib (Muuqaal + Sawirro)
Baqdaad,16Oct,2015(QJ/SDN)-Waxaa dib loo furay safaaraddii Soomaaliya ay ku lahayd waddanka Ciraaq, kaddib muddo 25-sano ah, iyadoo furitaanka safaaradda ay kasoo Qayb-galeen mas’uuliyiin ka socday xukuumadda dalka Ciraaq.
Safaaradda ayaa si wadajir ah xadhigga uga jaray wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Cabdisalaan Hadliye Cumar iyo xubno ka socday wasaaradda arrimaha dibadda ee Ciraaq.
“Waxay ii tahay farxad inaan xadhigga ka jaro safaarad Soomaaliyeed oo meel deggen oo meel rasmi ah ku taalla oo gurigeeda deggen tan iyo 1993-kii. Waxaana uga mahad-celinaynaa howshan oo dhan safiiradda Soomaaliya ee dalka Ciraaq, Khadiijo oo halkan joogtay howshanna ay iyada kooxdeedu ka shaqeeyeen,” ayuu yidhi wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Cabdisalaan Hadliye.
Mar uu wasiir hadliye ka hadlayay muhiimadda dalka Ciraaq uu u leeyahay Soomaaliya ayuu sheegay in waddankan uu yahay waddan muslim ah oo Carab ah, isla markaana xidhiidh wanaagsan uu kala dhexeyn jiray Soomaaliya.
Xafladdii furitaanka safaaradda Soomaaliya ee magaalada Baqdaad ayaa waxaa goobjoog ka ahaa dublamaasiyiinta dalalka Carabta ee ku sugan waddanka Ciraaq, kuwaasoo qaarkood hadallo ka jeediyay munaasabadda.
Halkan Hoose Ka Daaawo Xafladdii Furitaanka Safaaradda Soomaaliya ee Baqdaad – Dalka Ciraaq:
“Waxay ku faraxsan-nahay in wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya uu maanta nagu casuumo kasoo qaybgalka xafladda furitaanka safaaradda Somalia ee dalka Ciraaq, runtiina waan soo dhaweynaynaa, safaaradda Soomaaliyana wax badan uma jirto dhismaha safaaradda Suudaan ee Baqdaad,” ayuu yidhi danjiraha dalka Suudaan u jooga Ciraaq, Maxamed Cumar Muuse.
Munaasabadda furitaanka safaaradda Soomaaliya ee dalka Ciraaq ayaa waxaa goobjoog ka ahaa, safiirka Somalia ee dalka Kuwait, Maxamed Sheekh Amiin, guddoomiyaha guddiga arrimaha dibadda ee baarlamaanka Somalia, C/qaadir Cosoble Cali, wasiirka bartoolka, Maxamed Mukhtaar iyo madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.
Danjiraha Soomaaliya ee Ciraaq, marwo Khadiija Al-Makhsuumi oo iyadana ka hadashay aragtideeda ku aaddan furitaanka safaaradda Soomaaliya ee Ciraaq, ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay in dib loo furo safaaraddii Soomaaliya ay ku lahayd Ciraaq.
“Soomaaliya iyo Ciraaq waa laba dal oo xidhiidh siyaasadeed iyo mid ijtimaami lahaa muddo fog, waxaanan u arkaa Ciraaq inay muhiimad gaar ah u leedahay dalka Soomaaliya, maadaama uu ka dhexeeyay xidhiidh taariikhi ah. waxaana rajeynaynaa inay wax nagala qaban doonaan arrimo ay ka mid yihiin dhanka waxbarashada,” ayay tidhi safiiradda Soomaaliya ee Ciraaq, Khadiijo Al-Makhsuumi.
Ugu dambeyntii, danjire Khadiijo Al-Makhsuumi ayaa sheegtay inay shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan ay u furan tahay safaarada Soomaaliya ee magaalada Baqdaad ayna howl walba oo ay uga baahdaan u fududeyn doonaan.
Si kastaba ha ahaatee, magaalada Baqdaad ee xarunta dalka Ciraaq oo ka mid ah meelaha ugu ammaanka xun adduunka ayaa haddana waxaa safaraadda Soomaaliya ee Ciraaq laga furay goob ammaan ah oo ay aad u ilaaliyaan ciidan ka tirsan kuwa Ciraaq.
Halkan Hoose Ka Daawo Sawirro Dheeraad Ah: