Laba Qof Oo Lagu Dilay Magaalada Marka.
Marka,16Oct,2015(QJ/SDN)-Laba qof oo midi uu askari ahaa, ayaa gelinkii dambe ee Khamiistii waxaa lagu dilay Magaalada Marka Ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo dhinaca kalana ay baxsadeen rag bistoolado ku hubeysnaa oo dilay askarigaasi.
Labada askari oo mareysay Wadada Wajeer Ee Magaalada Marka, ayaa waxaa rasaas ku furay laba nin oo bistoolado ku hubeysnaa, waxaana rasaastaasi ku dhintay hal askari. Askarigii kale oo ku argagaxay rasaastaasi, ayaa furay rasaas aanu u meeldeyin, waxaana ku dhintay qof wadada maraayay, halka qof kalana uu ku dhaawacmay.
Labadii nin ee soo weerartay askartaasi, ayaa waxaa la sheegay inay ka baxsadeen Wadada Wajeer, mana suurtagelin in gacanta lagu soo dhigo, lana horkeeno Cadaaladda.
Maamulka Marka iyo Saraakiisha Booliska, ayaan ka hadlin labada qof ee siyaabooyinka kala gedisan loogu dilay Magaaladaasi.
Ugu danbeyntii, weerarka askarta ayaa wuxuu ku soo beegmayaa, iyadoo muddooyinkii ugu dambeysay ay ka soo reynaysay xaaladda Magaalada Marka, heshiisna la dhex dhigay beelihii isku hayay.