|

Xubnaha Gudida Fulinta Xisbiga Kulmiye Madaxweyne Kuxigeenka Iyo Murashaxiinta Oo Shir Ku Kala Kacey Qodobadana La Isku Diiday

Hargeysa,16Oct,2015(QJ/SDN)-Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(saylici),iyo Xubnaha Gudida Fulinta Xisbiga Kulmiye oo u badan Golaha Xukuumada, iyo Xubno kamid ah Murashaxiinta ku loolamaya Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye ayaa,  ayaa xalay ku kala kacey Shir lagaga arinsanayay qodobo ay soo bandhigeen Xubnaha Gudida Fulinta Xsibiga Kulmiye kuwaas, oo aan la isku waafaqin Madaxweyne Kuxigeenkuna ku gacanseydhay.

Shabakada Wararka Qurbejoog.Com oo heshay xogaha Shirkan oo ay Madaxweyne Kuxigeenka ku wehelinayeen Wasiirka Gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Cali Warancade waxa kamid ahaa Qodobada ay Gudida Fulintu soo bandhigeen.

1-in la magacaabo Gudi dhexdhexaad ah oo hogaamisa qabanqaabada Shirka Golaha Dhexe oo ay wadajir usoo dhisaan Gudida Fulinta iyo Hogaanka Kulmiye.

2-in Xubnihii ka baxay Xisbiga Kulmiye ee ku biirey Xisbiyada Mucaaridka ah kaalintoodii si dhexdhexaad ah loo soo buuxiyo oo aan cid gaar ahi maamulin.

3-iyo in Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi uu ka noqdo baaqii uu ujeediyay Xubnaha Golaha Dhexe ee Qeybinta kaadhadhka si aan cid kale loogu qeybin Kaadhadhka Shirka Golaha Dhexe.

Haseyeeshee, wararku waxa ay sheegeen in lagu kala kacey Shirkaasi islamarkaana, aan Madaxweyne Kuxigeenku aqbalin soo jeedinta Gudida Fulinta waxaana la filayaa in saacadaha soo socda war murtiyeed kasoo saari doonaan arrintan.

Shirkan ayaa waxa uu  ka qabsoomay Guriga Madaxweyne Kuxigeenku ka degan yahay Magaalada Hargeysa.

QJ/SDN: Hargeysa Office

 

Comments are closed