SOOL: Mashruuca Sahaminta Biyaha Magaalada Laascaanood Oo La Daah-furay.
Laascaanood,16Oct,2015(QJ/SDN)-Agaasimaha guud ee wasaarada khayraadka biyaha Somaliland DrCabdirisaaq Jaamac Nuur oo uu weheliyo gudoomiye ku xigeenka gobolka Soolka iyo maamulaha mashruuca horumarinta biyaha ee sanduuqa SDF Mudane Maxamed Faarax Cabdi, ayaa waxay daahfureen mashruuca biyo ballaadhinta magaalada Laascaanood oo ay wado wasaaradda Khayraadka biyaha Somaliland oo kaashanaysa hay’adda sanduuqa horumarinta Somaliland (SDF).
Mashruucan oo lagu sahaminayo biyaha magaalada laascaanood ayaa waxa markii ugu horreysay laga daahfuray duleedka magaalada Laascaanood ee deegaanka Gambadhe, ugu horreyna waxa halkaasi ka hadlay oo hadalo kasoo jeediyay Maxamed Faarax Cabdi oo ah maamulaha mashruuca horumarinta biyaha ee hay’adda SDF isago ka warramay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray mashruucan biyaha ee magaalada Laascaanood. ‘’Maanta waxaanu taaganahay Laascaanood duleedka waa goob ay ka socoto shaqadii sahaminta biyaha Laascaanood, waxa inoo bilowday mashruucii biyo ballaadhinta magaalada laascaanood, biyo ballaadhan ma odhan karnee biyo galinta magaalada Laascaanood..’’ ayuu ka yidhi munaasibadaasi Mudane Maxamed Faarax Cabdi.
Waxa isaguna halkaasi ka hadlay gudoomiye ku xigeenka gobolka Sool mudane Cabdirashiid Xirsi Dalmar, oo uga mahadceliyay wasaaradda Khayraadka biyaha Somaliland dedaalka faraha badan ee ay galisay sidii bulshada reer Sool ay u heli lahaayeen biyo nadiif ah.
Geesta kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay taliyaha ciidanka qaranka ee qaybta laba iyo tobnaad ee aagga hore ee Gambadhe, isagoona sheegay inay aad u soo dhaweynayaan biyo galinta deegaankan maadaama buu yidhi aanu ka mid nahay ciidan ahaan dadka deegaankan degan.
Ugu danbeyntii waxa halkaasi ka hadlau agaasimaha guud ee wasaaradda Khayraadka biyaha Somaliland Dr. Cabdirisaaq Jaamac Nuur isagoo sheegay in xukuumadda Somaliland ay ka go’antahay sidii bulshada ku nool gobolka Sool ay u heli lahaayeen biyo nadiif ah. Waxaana uu yidhi ‘’ waxa ugu horayn farxad weyn ii ah maanta inaan taagnahay dooxadda gambadha oo ah jiida hore ee ciidanka, waxaana maanta halkan ku daahfuraynaa mashruucii daraasadda biyaha laascaanood, sida aynu ognahay dhulka ilaahay waa uu kala duwanyahay, qaarabana si baa khayraadkiisa looga faa’idaystaa, dhulkananina waxa uu qani ku yahay biyaha dushiisa, haddii imika aynu eegno dooxadan imika aynu taaganahay waxa mara billion billion billions Mitter Cube ama foostaba nidhaahno oo sida ay too u socdaan gala baddan…’’
Halkan Hooose Ka Daawo Muuqaal:
QJ/SDN: Hargeysa