|

Sarkaal Ka Tirsan Ciidamada Itoobiya Ee AMISOM Oo Ku Dul Kaadiyay Qabriga Madaxweynihii Hore Ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre.

Gal-bahaarrey ,15Oct,2015(QJ/SDN)-Ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya ee jooga Gobalka Gedo ayaa dhawaan tegay Qabrigi Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre.

 

qabrigii siyaad

Sarkaalka Ciidanka Itoobiya ee halkaasi jooga ayaa qabriga ku dul kaadiyay sida uu sheegay Aqoon yahan Idiris Xasan Faarax oo u warramayay mid ka mid ah idaacadaha maxallliga ah ee deegaankaasi.

Wuxuu sheegay in Itoobiya ay cadaw ku tahay Soomaalida sababta ay qabriga nin dhintay u beegsaneysana ay tahay iyadoo ka sabri wayday waxyeelladii gaadhay waqtigii Soomaaliya weerartay Itoobiya xiligaasoo Maxamed Siyaad Barre Dalka Madaxweyne ka ahaa.

Qabriga Maxamed Siyaad Barre oo ahaa madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa ku yaalla magaalada Gal-bahaarrey ee gobolka Gedo, halkaas oo ay imika ka taliyaan ciidamo ka tirsan Kuwa AMISOM ee Itoobiya iyo Kuwo dowladda soomaaliya taabacsan.

Ugu danbeyntii, Aqoonyahan Idiris Xassan Faarax ayaa baaq u jeediyay guud ahaan Soomaalida gaar ahaana shacabka Gobalka Gedo degan oo uu si gooni ah ula dar daarmay. Uguna baaqay inay ka kacaan arrintan isagoona sheegay inay tahay arrin sharafta soomaalida meel uga dhac ku ah in qabuuraha madaxdoodii geeriyootay lagu dul kaajo.

QJ/SDN: Hargeysa

Comments are closed