|

AL-SHABAAB Oo Xidh-xidhay Ajaanib iyo Soomaali Ay Uga Shakiday Daacish.

 

Jilib,15Oct,2015(QJ/SDN)-Wararka aanu ka helayano magaalada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in ururka Al-Shabaab ay mar kale qabqabteen dad dheeraad ah oo lagu tuhmayo inay meelo ka mid ah magaalada ku daadiyeen waraaqo lagu taageerayo ururka Daacish ee ka dagaallama waddamada Ciraaq iyo Siiriya.

Warar aanu ka helnay ilo lagu kalsoon yahay waxay sheegayaan in dadka la xidhidhay oo isugu jira Soomaali iyo ajaanib ay gaadhayaan ilaa 30 qof. Qabqabashada ayaa dhacaysay tan iyo maalintii Salaadada.

Waraaqaha la daadiyey ayaa la sheegay inay ku qornaayeen hadallo ay ka mid yihiin waxana taageersanahay waxa loogu yeedhay “Dawladda Islamaiga ah”. Waxaa la sheegay in dadka waraaqaha daadiyey ay iskugu yeedheen “Wiilashii Khaliifada”.

Dabayaaqadii bishii hore ayey ahayd markii Al-Shabaab ay magaalada Jamaame ku qabqabteen dad shan qof ah oo ajaanib ah oo lagu tuhumayo inay taageeraan ururka ISIS.

Uururka Al-Shabaab ayaa dhowaan soo saaray amar ah inaan la jeedin karin khudbado iyo hadallo shaki gelinaya xidhiidhka ka dhexeeya Al-Shabab iyo Al-Qaacida, waxaana al-Shabaab ay amreen inana la jeedin khudbado iyo hadallo aan fasax loogu haysan xafiiska warbaahinta ee ururka.

Ugu danbeyntii, Qabqaabshadan waxay ku soo beegmaysaa iyadoo ay soo baxayeen maalmihii lasoo dhaafay farriimo xidhiidh ah oo muuqaal ah oo dadka taageersan Daacish ay ugu baaqayaan Al-Shabaab inay isbahaysi la samaystaan ururka Daacish.

HALKAN KA DAAWO MUUQAAL FARIINTII LOOSOO DIRAY AL-SHABAAB

 

QJ/SDN: Hargeysa

Comments are closed