|

Gudoomiyaha Maxkamada Sare Oo Ka Qayb-galay Shirar Caalami Ah, Sharaxyna Garsoorka Somaliland

Nairobi 15.Oct 2015 (SDN/QJ)- Gudoomiyaha Maxkamada Sare iyo ta Dastuuriga ah ee JSL ayaa ka qayb galay laba shir oo caalami ah. Shirka hore waxa uu ku saabsanaa “Shuruuucda oo la is waydaarsadaa doorka ay ka ciyaarto xoojinta Dawlanimo sharci ku dhisan iyo   maamulka ku dhisan hanaanka Axsaabta badan ee Qaarada Africa” (Open Law- Africa Conference 2015, the free Access to Law in deepening Rule of Law and Democracy ), waxaanu ka dhacay Nariobi, Kenya, 12-13 Octorber, waxa soo wada qabanqaabiyay African Legal Information Institute (AfricanLii) , SAFLII ( South African legal information institute), University of Cape Town iyo Kenya Law.

Adan-830x552Shirka labaad waxa uu ahaa shirkii ugu horeeyay ka dhaca Africa kuna saabsanaa isku imaantinkii ugu horeeyay ee si cilmiyaysan looga hadalo Hirgalinta sharciyada Deegaanka si loo xoojiyo maamul wanaaga, cadaalada iyo sharciga Degaanka (1st Africa Colloquium on Environmental Rule of Law – Towards Strengthened Environmental Governance, Justice and Law), waxaanu ka dhacay Nairobi 14-16 Octoober. Waxaana soo qaban qaabiyay UNEP, Konrad Adenauer Stiftung iyo Machadaka Tababarka Garsoorka ee Kenya.

image78Shirka hore waxa maalintiisa hore ka soo qayb galay Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Wadanka Kenya, Dr. Willy Mutunga. Waxaanu ka jeediyay khudbadii furtiaanka oo gudibinaysay fariin ah in hadii Afrika xaga sharciga isu furto in ay khibradooda is waydaarsandoonaan, isla markaana la heli doono wada shaqayn fiican iyo Cadaalada oo sare u kacda.

Waxa isaguna Kalamadii furitaanka ka jeediyay Gudoomiyaha Maxkada Sare ee JSL, Prof. Adam Xaaji-Cali Axmed, isagoo ka jeediyaya khudbadan gubinaysay fariin ah in Afrika aan isku meel taagnayn laakin wax la kala barankaro sidaa awgeed waxa muhiim ah in laga yeesho Qorshe iyo siyaasad cad Guud ahaan Afrika iyo Qaybaheeda kale duwan ba

image77Dhinaca kale Gudoomiyaha Maxkada Sare waxa ay kulan Gaaban wada qaateen Gudoomiyaha Maxkada Sare ee Kenya iyaga oo ku balamay in ay kulan dheer isugu yimaadaan Maalinta Khamiista ee 15 Octoobar si ay ugu sheekaystaan iskaashi iyo walliba sidii ay Somaliland wax uga baran lahayd nidaamka Garsoorka Kenya oo aad u hor marsan

Shirka labaad waxa uu ku saabsanaa Hirgalinta sharciyada iyo Siyaasadaha Ilaalinta Deegaanka oo waxa hogaaminaayay Hay’adda u qaabilsan Qaramada Midoobay Xaga deegaanka ee UNEP. Macluumaadka ku saabsan shirkan waxa laga heli karaa link hoos ku yaala.

image76Gebagebadii Shirka hore waxa la isla qaatay in Dawladaha Barig Africa ay samaystaan isku xidh iyo qorshe ay isku kaashaadaan xaga isu gudbinta sharciga iyo Go’aamada Garsoorka.

 

Shirka labaadna waxa la raynayaa in ay ka soo baxaan qodoba Afrika ay sharciyada Deegaanka ku hergaliyaan oo la isla ogol yahay.

Comments are closed