|

Guddoomiyaha Kulmiye Oo Shicibka Somaliland Ugu Hambalyeeyay Curashada Sanadka Cusub

muuse biixiHargeysa,14Oct,22015(QJ/SDN)-Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu shacabka Jamhuuriyadda Somaliland iyo guud ahaan ummadda dunida muslimka ku hambalyeynayaa curashada sannadka cusub ee Islaamka ama hijriyada ee 1437 oo ku beegan taariikhda miilaadiga ee 14.10.2015. Guddoomiyuhu waxa uu si gaar ah bogaadinayaa shacabka Somaliland bilowga sannadka cusub ee Islaamka oo maalin farxadeed iyo nasashaba u ah curashadiisa awgeed. Ugu dambayn, waxa uu Ilaahay ka baryayaa inuu ina siiyo khayrka sannadka cusub, kiisa kalena innagu gaadhsiiyo barwaaqo, nabadgalyo iyo ictiraaf buuxa oo Somaliland ka hesho dunida kale.

Comments are closed