|

”Hawada Somaliland Lagama Maamuli Doono Muqdisho, Marna Kama Tanaasuli Doono Mowqifkeenna..” Wasiir Maxamuud Xaashi.

Hargeysa,14Oct,2015~(QJ/SDN)- Waxaa lagu wadaa in toddobaadkan uu ka furmaan dalka Turkiga wadahadalladii u dhexeeyay dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowladda Somaliland, iyadoo lagaga hadli doono wadahadalkan maamulka hawada Soomaaliya oo dhawaan lagu soo wareejiyay dowladda Soomaaliya.

Wasiirka duulista hawada iyo gaadiidka cirka ee Somaliland, Maxamuud Xaashi Cabdi iyo wafdi uu hoggaaminayay oo shalay ka dhoofay Hargeysa, iyagoo kusii jeeda magaalada Ankara ee xarunta dalka Turkiga.

Maxamuud Xaashi oo la hadlayay VOA-da ayaa sheegay inaanay marnaba aqbali doonin in magaalada Muqdisho laga maamulo hawada Somaliland. Isagoo yidhi “Waxaa halkan ka caddeynayaa in hawada Somaliland aan laga maamuli doonin Muqdisho, marna kama tanaasuli doonno mowqifkeenna, waxaa shalay diidnay, maantana yeeli mayno.”

Sidoo kale, wasiirku wuxuu intaas ku daray in Somaliland ay rabto inay dhacaan saddex arrimood midkood, kuwasaoo kala ah, In hawada laga maamulo Hargeysa, ama hawada loo kala gooyo Somaliland iyo Soomaaliya, ama in QM ay gacanta kusii hayso.

Wasiirka ayaa hadalkiisa ku daray in haddii aanay saddexdaas arrimood  dhicin ay isaga tagi doonaan wadahadallada ay la yeelanayaan wafdiga kaga imaan doona dhanka dowladda federaalka Soomaaliya ee Muqdisho.

Dhanka kale, RW Soomaaliya Shara’marke ayaa xadhigga ka jaray maalin ka hor taawarka cusub ee laga hagi doono hawada Soomaaliya oo laga dhisayo garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Muqdisho.

Ugu dambeyntii, maamulka hawada Soomaaliya iyo Somaliland ayaa waxaa labaatankii sano ee lasoo dhaafay gacanta ku haysay hay’adda ICAO ee hoos-tagta QM, iyadoo fadhigeedu ahaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

 

Comments are closed