|

MADAXWEYNE XASSAN: Murashax baan ahay 2016, Damul-Jadiidna kama mid ihi !

xasan Muqdisho,14Oct,2015(QJ/SDN)-Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh oo su’aalo kaga jawaabayay shacab Soomaaliyeed oo dood ka qaybgalayay ayaa waxba kama jiraan ku sheegay in awoodda dalka ay gacanta ugu jirto urur gaar ah, wuxuuna sheegay in aanu ka mid ahayd urur ka mid ah ururrada islaamiga ah ee dalka ka jira, waligiisna aanu ka mid noqon.

Xasan Sheekh ayaa xusay inay jirin dowlad ay leeyihiin Dam-Jadiid, kaasoo la sheego inuu madaxweynuhu ka tirsan yahay uuna awoodda dalka gacanta u geliyay, balse wuxuu sheegay inaanay dalka ka jirin dowlad ay koox gaar ahi leedahay amaba yeelan karto.

“Aniga madaxweyne ahaan ama ka Xasan Sheekh ahaan urur diimeed waligeey kama mid noqon, maantana kama mid ahi, haddii ay ahaan lahayd Damul Jadiid, Al-Islaax, Aala Sheekh, Ahlusunna, Ictisaam ama Al-Itixaad. Madaxweyne kasta shaqsiyaad la shaqeeya oo ka agdhow oo shaqada u fududeeya way soo jireen, dabcana waa ay jirayaan, balse dowlad Damul-jadiid ay leedahay dalkaan kama jirto,” ayuu Xasan Sheekh ku yidhi hadalkiisa.

Sidoo kale, madaxweynaha Soomaaliya oo mar la weydiiyay inuu musharax yahay marka la gaadho sannadka 2016-ka, ayuu ku jawaabay inuu yahay musharax, isla markaana uu rajeynayo inuu mar kale qabto xilka madaxweynenimo ee dalka, haddii laga guuleystana uu la shaqeynayo ciddii xilka loo doorto.

“Waxaan rabaa inaan dhaqan cusub iyo waddo cusub jideeyo, murashax waan ahay, haddii la ii doorto inaan mar kale sii joogo xafiiska diyaar baan u ahay, balse haddii la iga guuleysto waxaa raalli ka ahay inaan xilka ku wareejiyo qofka la doorto lana shaqeeyo,” ayuu yidhi madaxweynaha Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in haddii ay suuro-geli weydo doorasho Cod iyo Qof ah, aanay diyaar u ahayn inay xilliga kororsadaan, isagoo tilmaamay qaladaadka ay leedahay waqti kordhinta ay soo arkeen, qalad kii shalay lla galay la mid ahna aanay doonayn inay galaan.

Si kastaba ha ahaatee, hadalka madaxweynaha Soomaaliya ee ku aaddan in aanu ka mid ahayn koox diimeedyada ka jira dalka ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo ay shacabka Muqdisho intooda badan ay isla dhexmarayeen inuu madaxweynuhu ka tirsan yahay ururka Dam-jadiid oo ah garab ka go’ay ururka Al-Islaax.

QJ/SDN: Muqdisho

Comments are closed