Kuxigeenka Duqa Caasimadda Hargaysa Mudane Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Cagaweyne) oo lagu maamusay casho sharaf ay soo qaban-Qaabiyeen Dhalinayrada Table 7Chirtiy London.Daawo Sawiro.
London13Oct15(SDN/QJ) Ururka Dhalinyarada ee Table7Chirity oo xaflad soo dhawayna ugu qabtay Hotel Nomad ee Galbeedka magaaladda London Casho sharaf lagu casumay Kuxigeenka Duqa magaaladda Hargaysa Mudane Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Cagaweyne) oo ay sooqaban qabiyeen dhalinyarada ku bohoobay Table 7 oo fadhigeedu yahay magaaladda London,kana shaqeeya arimaha caawinta dadka Tabaaleysay ee ku nool Somaliland.
Kulanka Casho sharaftaa waxa kasoo qayb galay dadkale oo marti sharaf ahaa oo ururka kusoo biiray aadna uga helay sida ay wax u wadaan iyo hiigsiga wax qabadka ee socda. Kulanka oo intii aan hadalka lagu soo dhaweyn Mudane CabdicasiisMaxamed Xaashi (Cagaweyne) ay sharaxaad ka bixiyeen waxa ururka loo aasaasay iyo waxwaalaha ay doonayaan inay hiigsadaan. Waxa isna ugu danbeyntii ka hadlay Maayor kuxigeenka Casimadda Somaliland ee Hargaysa Mudane CabdicasiisMaxamed Xaashi (Cagaweyne) oo ku dheeraaday ujeedada uu u yimid dalka Ingriiska,Mahadnaq casho sharafta lagu qaabilay iyo arimo badan oo ku saabsan caasimadda Somaliland iyo horumarka ay ku talaabsatay intii ay maamulka gacanta ku hayeen. gababagadii gudoomiye ku xigeenka sadexaad ee ururka Mudane Subeer Maxamed Cabdilaahi ayaa waxa uu soo dhaweyey xubno ururka ku soo biray Shukri Shacni iyo Amaal Guleed oo ah habalaha u furfurcoon london ,ugana baqay cid kasta oo ka qayb galaysa ururkan mutadawacnimo ee khayriga ah inay ku soo bureen .
Xafiiska qurbejoog.com ee Uk
London