|

Wasiir Xagla-Toosiye Oo La Filayo In Uu Ku Dhawaaqo Murashaxnimada Xilka Madaxweyne Ku-Xigeenka Kulmiye Iyo Saadaasha Dhawaqiisu ku Yeelan doono Saaxada Siyaasadda Kulmiye

Hargeysa,13Oct,2015(QJ/SDN)-Wasiirka caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed Xaglatoosiye ayaa u sharaxan xilka madaxwayne ku xigeen ee xisbiga Kulmiye oo hadda socdo laalankiisa musharaxnimo,isagoo ku dhawaaqi doona marka uu ka soo laabto safar uu ugu baxay dalka Ingriiska oo uu ku wehelinayo Madaxwaynaha Somaliland.

Wasiirka Caafimaadka Somaliland ayaa la sheegayaa inuuu olole xoogle uga bilaami doono guud ahaan Somaliland ,iyadoo aad loo sugayo maalinta uu ku dhawaaqi doono oo ah marka uu ka soo laabta safarka uu ugu maqan yahay Dalka Ingriiska.

Musharaxnimada Xaglatoosiye iyo Miisaankiisa Siyaasadeed.

Faalada iyo qiimaynta siyaasadeed ee wasiir xaglotoosiye laga bixiyo oo xaqiiqo ahaan u badan mid bulshadu ku muujinayso jacaylka iyo kalsoonida ay u hayaan wasiirka caafimaadka ayaa ah mid loo aanaynayo inay ku timid guulaha siyaasadeed ee uu kasoo hooyay gobolada uu kasoo jeedo oo la odhan karo, waa qodobka ugu culus,sidoo kalena waxaa la sheegaa inuu wasiirka caafimaadku yahay nin ay ku dheertahay qaddiyadda qaranimadu waxaana dadka ka faalooda siyaasadu sheegaan inuu yahay hogaamiye mustaqbal siyaasadeed oo iftiimaya ku leh dalka,hadii aynu eegno dhinaca xukuumadda uu ka tirsanyahay waxay ilo xogogaal ahi xaqiijiyeen inuu xaglotoosiye ka mid yahay xubnaha ugu hal adag golaha wasiirada isla markaana inta badan u dooda danaha bulshada,sidoo kale xubno ka mida golaha dhexe ee xisbul xaakimka kulmiye ayaa iyaga laftoodu sheegay inay kalsooni buuxda siinayaan wasiirkan oo ay ka warqabaan inuu yahay nin han siyaasadeed oo durugsan leh isla markaana ay ogyihiin inuu yahay shaqsi bulshada Somaliland aad u jeceshahay.

Wasiirka caafimaadka ee Somaliland Saleebaan Ciise Axmed(xaglotoosiye) oo kasoo jeeda gobolada bari ee dalka ayaa geesta kale ah nin wax badan ka badalay habqankii masiirka mujtamaca deeganada bariga dalka ,jabhadayn iyo mucaaridnimo ka dibna wuxuu ku guulaystay inuu middeeyo dadka deegannada bariga oo ay daashadeen dib u dhac iyo colaado,wuxuu abuuray jawi nabadeed oo horumar ku salaysan isagoo isusoo dhawaynta beelaha bariga qayb laxaadle ka qaatay,waxaana uu dadaal dheer u galay sidii ay beelaha bari ee uu kasoo jeedaa u noqon lahaayeen qaar dadkooda wax la qaybsada.

Wasiir xaglotoosiye oo ku dhashay deegaanka Hargaysa isla markaana ku soo bar baaray  deegaanka gabilay ayaa la sheegaa inuu yahay nin dhaqanka,dadka,iyo deegaankaba aad u kala yaqaan da, ahaan waa nin dhalinyaro ah kalsooni badan oo cid walba la saaxiib ah isla markaana gacan furan oo deeqsi ah.

Arrimaha xiisaha gaarka ah leh ee wasiirkan ka soocay wasiirada kale lana odhan karo waa lagaga jecelyahay ayaa waxa ka mida inuu yahay nin jecel bahda hal abuurka ama suugaanlayda,warbaahinta, iyo odayaasha dhaqanka,waxana uu caan ku yahay la dagaalanka qabyaalada.

Saleeban xaglotoosiye oo kalsooni badan ka miistay mujtamaca qaybihiisa kala duwan ayaa geesta kalana la odhan karaa waa siyaasiga ugu miisaanka culus xilligan ee beesha uu kasoo jeedo,waxaana laga dhur sugayaa halka ay cago dhigato diyaarada siyaasadeed ee uu kasoo kiciyay xaglotoosiye jihada aan looga baran duulimaadyo noocana,loona badinayo inay qabsato dariiqa ugu macquulsan

Halkan Ka Daawo Waraysi  uu hore u bixiyay oo uu kaga waramayo  jaranjaradii uu u soo maray inuu xil ka qabto Somaliland iyo Miisaankiisa Siyaasiga ah.

 

QJ/SDN: Hargeysa

Comments are closed