|

QurbaJoog: Qayr Mise Qasaaro?

qayfr

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Qaybtii Koowaad:

Dalalk dunida seddaxaad oo ah kuwo dhaqaale ahaan iyo maamul ahaanba liita, ayaa waxaa ka haajira oo ka hayaama dad aad u fara badan, dadkaas oo raadinaya nolol ka wacan tan ay dadlalkooda ku haystaan. Soomaaliya billowgii dagaalladii sokeeyey kadib dad badan ayaa aad uga firxaday oo miciin biday Yrub, Maraykan iyo meela kale oo badan, dalalkaas Soomaalidu waxay ka heleen nabad, nolol iyo waxbarasho ay aad ugu diirsadeen. Sanadihii uu dalku yaraha soo hagaagay ayay dad badani kusoo laabteen dalka iyaga oo kusoo gurya noqday dalkoodii ay markii hore nabad la’aanta uga carareen, dadkaas ka yimid bannaanka ee wadanka kusoo noqday gaar ahaan Muqdisho, dadkii dalka horay usii joogay waxay ula baxeen magacyo badan Sida: Diyaasbaro Qurba joog IWM. Dadka bannaanka ka yimid dalka waxay kusoo kordhiyeen waxyaabo badan waxayna saameynta ugu badan ku leeyihiin dhinacyada Siyaasadda, Dhaqanka iyo Dhaqaalaha. Qurba joogtu Xamar Wanaag iyo Xumaan-ba waa keeneen, aan ku hurmaro sida Wanaagsan ee ay u saameeyeen dhinacyada:

 

– Siyaasadda:

Inta badan dowladihii ku meel-gaar ka ahaa iyo tan hadda jirtaba, waxaa aad uga dhex muuqda Qurba joog, dadkan kasoo laabtay qurbaha qaarkood waa wadaniyiin, aqoon iyo khibradba kasoo faa’iidaystay dalalkii ay kusoo caysheen, waxay maamulka dowladda kusoo biiriyeen fikrado loo aayay, oo ka maqnaa dadka dalka horay usii joogay oo aan iyagu helin xitaa fursad ay ku fekeraan si ay wax cusub u keeneen.

 

– Dhaqaalaha:

Dhanka horumarka dhaqaalaha saameynta Qurba joogtu way muuqataa, Xamar waxay ka fureen ganacsi u shaqeeya hab casri ah oo malaha ay kasoo dheegteen dalalka horumaray ee ay kasoo gurya noqdeen, waxay fureen Super-market-yo casri ah, Hoteello, Wershada yar yar oo wax soo saara, kaalima shidaal,meelaha carruurta lagu maaweeliyo iyo noocyo badan oo ganacsi ah, Qurba joogtu waxay abuureen fursado shaqo oo ay ka faa’iidaysteen dhallinyaro badan oo Soomaali ahi.

 

– Waxbarashada iyo Tacliinta:

Waxay fureen xarumo waxbarasho oo casri ah, kana adeeg wanaagsan kuwii horay u jiray, gaar ahaan Qurba joogta waxaa loo tiiriyaa in ay keeneen xarumo waxbarasho oo carruurta lugu barbaariyo ( Xanaano ), sidoo kale waxay Muqdisho keeneen Machadyo cilmi-baaris, walow tayadooda wax la iska waydiin karo.

– Dhaqanka iyo Arrimaha Bulshada:

Dhanka la dhaqanka bulshada waa dad intooda badan aaminsan xushmeynta, dad dulqaad iyo dhegeysi badan oo dhaliilna ogol, dhaqanka ay caanka ku yihiin oo ay bulshadu aad uga heshay aan tusaaleeyo:

Kow, Darawal qurba jooga ah oo baabuur wada haddii uu jid goynayo, isla markaana ay wadada marayaan dad shacab ah, wuu ka istaagaa, wuxuuna fursad siiyaa shacabka si ay jidka u moodaan, dhaqankan naxariista ahi kuma badna darawallada aan dalka ka bixin.

Laba, Qofkii u asxaan fala way u mahad-celiyaan. Iyaga oo dhahaya: Waad mahadsantahay.

Intaas aan kor kusoo sheegay iyo kuwo kale oo badan haddii ay Qurba joogtu Muqdisho kusoo kordhiyeen, majirtaa waxyaabo iyaga lagu dhaliilo oo ay dalka iyo dadka ka halleeyeen? Qormadan qaybteeda labaad la soco oo aan dhinac kale wax uga eegi doono.

Mahadsanidiin.

Cabdulqaadir Cali Axmed

Tel: +252618008729/+252699996444

E-mail: abdulkadiralieco@gmail.com

Comments are closed