|

Qaabkii ay Rabshaduhu uga dhaceen Boorama iyo Heesta ‘Soomaaliyeey Toos’ oo Dadku qaaday,DAAWO

Boorama 13.Oct 2015 (SDN/QJ)- Rabshado dhimashada hal qof sababay iyo dhaawaca saddex ruux oo dhammaantood shacab ah, ayaa goor gaaban oo gelinkii dambe ee Axaddii ka dhacay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, ka dib markii ay Askar Booliska ka tirsani Rasaas ku fureen dad dhalinyar u badan oo daawanayay Ciyaar adag oo dhex-martay Xulalka gobollada Awdal iyo Maroodi-jeex.

Inkasta oo aannu Akhristayaasha Warbaahinta Qurbejoog markii dhacdadaasi dhacday ka dib u soo gudbinnay Warka, haddana waxaannu mar kale Halkan idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalka laga duubay qaabka ay wax uga dhaceen Garoonka Kubbadda Cagta ee Xaaji Daahir ee magaalada Boorama oo ay ka socdaan is-reeb-reebka Ciyaaraha gobollada Somaliland oo shantii bishan ka bilaabmay Boorama iyo Burco, iyaga oo toddoba gobol ku ciyaarayaan wareeggii koowaad ee Ciyaaraha Koobka gobollada.

Rabshadadda ayaa dhacday markii ay Xulka gobolka Maroodi-jeex oo qaybta hore ee Ciyaarta ku hoggaaminayey Hal Gool iyo Waxba (1-0), ay ka xanaaqeen, isla markaana diideen Gool toos ah oo qaybta dambe ee Ciyaarta loo qabtay Xulka gobolka Awdal, markaasoo Taageerayaasha labada Xul iyo Daawadayaasha Ciyaarta ee Garoonka Xaaji Daahir ku sugnaa ku soo dareereen Garoonka. Iyagoo markaa Boolisku Rasaas bilaabay sababtay dhimashada hal qof iyo dhaawaca saddex qof.

Hase-yeeshee, dadka Taraabbuunka, ayaa bilaabay Hees ay kor ugu dhawaaqayeen ama weedho ka mid ah Heesta ‘Soomaaliyeey Toosoo, Toosoo isku Tiirsada’eey’. Waxaana markaas ay fureen Boolisku Rasaas, iyadoo xaaladda Garoonku isu beddeshay in intii badnayd dadweynaha iyo Ciyaartooyga Garoonka ku sugnaa ay dibedda u yaacaan oo ay halkaas ka dareeraan, halka dadka qaarna ay dhex-fadhiisteen gudaha Garoonka, qaarkoodna Beerka dhigeen oo ay jiif-jiifsadeen si ay rasaasta Booliska uga badbaadaan.

Haddaba, Dhacdadaas iyo guud ahaan qaabkii ay u dhacday ee ay isu-beddeshay Xaaladda Garoonka Kubbadda Cagta Xaaji Daahir Stadium ee magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

Comments are closed