Maamulka Koonfur galbeed iyo guddiga isku dhaf ciidanka oo kawada hadlay xoojinta Amaanka
Baydhabo 12. Oct 2015 (SDN/QJ)- Kullamo ay magaalada Baydhabo ku lahaayeen madaxda maamulka Koonfur Galbeed iyo guddiga isku dhafka ah ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa la sheegay in lagu go’aamiyey in dib loo bilaabo howlgalada ka dhanka ahaa Al-Shabaab.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii ciidamada xoogga dalka loogu dhameystiri lahaa agabka ciidan ee ka maqan, sidoo kalena ay u wajihi lahaayeen deegaan walba oo Al-shabaab kaga sugan yihiin gobalada Koonfur Galbeed.
Kulamadaasi ayaa markii ay soo gabagaboobeen, waxaa saxaafadda la hadlay Cabdifitaax Geesey oo ah wasiirka amniga maamulka Koonfur Galbeed isaga oo sheegay in natiijooyin wax ku’ool ah laga soo saaray kulamadaasi.
“Waxaa la’isla gartay in la xoojiyo dagaallada lagula jiro Alshabaab, waad la socotaan dhawaan ciidamada AMISOM hawada ayey ka duqeeyeen Al-shabaab, kuwa xoogga dalkana dhulka ayey ka weerareen, waaxaa guul soo hoyatay ah in cadowga meelo badan laga qabsado, waxyaabaha la’isla gartayna waxaa ka mid ah in Al-shabaab meel looga soo wada jeesto” ayuu yiri Wasiirk..
Inkastoo Al-shabaab laga saaray inta badan degmooyinka iyo magaalooyinka gobolada Bay ‘Bakool iyo Baay, Bakool iyo Shabellaha Hoose oo ka kooban yahay maamulka Koonfur galbeed, haddana waxay wali ku sugan yihiin degaano badan oo weeraro kala gedisan ay ka soo abaabulaan.