Maalinta calanka Soomaaliya oo maanta laga xusayo dalka
Muqdisho 12. Oct 2015 (SDN/QJ)- Sanad-guuradii 61-aad ee ka soo wareegatay markii la taagay calanka Soomaaliya ayaa maanta laga xusayaa Soomaaliya.
Sanad kasta 12-ka Oktoobar waxaa Soomaaliya laga xusaa maalinta calanka Soomaaliya.
Dabbaaldegyo lagu xusayo maalinta ayaa lagu wadaa in lagu qabto magaalda Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee waa-wayn ee dalka.
Labo iyo tobankii bishii October ee sanadkii 1954-kii ayay ahayd markii ugu horreysay ee la taagay calanka Soomaaliya, inkastoo uu dalka markaas ku jiray gumeysi, ayna jirtay dowladdii loo yaqaannay Daakhiliga.