|

Gudoomiye Ku Xigeenka Xisbiga Kulmiye Iyo Wasiirka Shaqadda oo Madal il yartu is qabatay ka Cadeeyay Taageerada Murashax Maxamed Biixi DAAWO

Hargaysa 11.Oct 2015 (SDN/QJ)- Xildhibaan Maxamed Yuusuf Waabeeye isla markaana ah Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Kulmiye Iyo Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dr Cabdi Aw Daahir ayaa Maanta daboolka ka qaaday inay Taageersan Yihiin Murashaxnimada Madaxweyne ee Wasiirka Arrimaha Dibadda Marka uu furmo Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye ee Ku Mudaysan 10 Bisha November.
Labadan Mas’uul ayaa hadalkan ka sheegay Kulan Maanta lagu soo dhawaynayay Wasiirka Arrimaha Dibada Dr Maxamed Biixi Yoonis oo dalka ku soo laabtay isagoo ka mid ahaa Weftigii uu hogaaminayay Madaxweyne Siilaanyo.
Xildhibaan Maxamed Yuusuf Waabeeye isla markaana ah Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Kulmiye ayaa Si adag u naqdiyey Xubno beesha uu ka soo Jeedo ka tirsan oo sheegay inay beel ahaan taageersan yihiin Murashaxnimada Madaxweyne ee Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dr Cabdi Aw Daahir ayaa badheedhihiisa soo bandhigay Waxaanu xusay in Wasiir Maxamed Biixi Yoonis uu leeyahay dabeecadihii hogaamiye Waxaa kale oo uu xusay in Tiro ku dhow laba boqol oo qof oo ay hor kacayaan ay Taageero la Garab Joogaan.

Comments are closed