|

War Deg-Deg Ah: Hal Qof Oo Shicib Ah Ayaa Ku Geeriyooday Garoonka Ciyaaraha Ee Magaalada Boorama

Boorama,110ct,2015(QJ/SDN)-Wararka naga soo gaadhaya magaalada Boorama ee Gobolka Awdal ayaa wax ay sheegayaan in hal qof ku geeriyooday  garoonka ciyaaraha ee Xaaji Daahir stadium, qofkan ayaa ahaa wiil dhalinyaro ah ayaa waxa da’adiis lagu qiyaasay 18 jir.

rru
Wiilkan yar   ayaa isagu ka mid ahaa dhalinyaro daawanaysay ciyaar dhex maraysay gobolada Maroodi-jeex iyo Awdal wiilkan yar ayay xabbadu kaga dhacday dhinaca feedhaha ee garabka midig halkaasi oo isagoo dhaawac halis ah lagu geeyay cisbitaalka wayn ee magalada Boorama intii ay kalkaaliyaashu dadaal ugu jireen sidii ay xaaladiisa ula tacaali lahaayeen ayay naftu ka baxday.

Geerida wiilkan yar ayaa timid ka ka dib markii ciyaartii dhex maraysay Maroodi-Jeex iyo Awdal uu khal-khal soo dhex galay, halkaasna ay rabshado ka dillaaceen, ka dibna ay ciidanja bileysku rasaas fureen.

Sidoo kale waxa guud ahaanba la joojiyey ciyaartii dhex maraysay gobolada Awdal Iyo Maroodi Jeex, iyada oo la rajaynayo inay xidhiidhka kubada cagtuna ay go,aan ka gaadhaan ciyaartaas aan wakhtigeedii dhamaan ee la joojiyey

Ciidamada amaanka ayaa la soo sheegayaa inay ku hawlan yihiin sugida amniga magaalada Boorama, isla markaana ka hor tagaya inay rabshaduhu sii daba dheeraadaan.

 

Wixii warar ah ee kasoo kordha kala soco Qurbejoog.Com

 

Comments are closed