“Muuse Biixi Maanta Cidda Taladda Somaliland Ka Go’do Ee Dhabta Ah Ee Aad Ogtay Haddaanad Ka Run Sheegin Sidee markaad madaxweyne noqoto laguu aamini karraa?
Hargeysa, 10 Oct 2015 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi ayaa markii u horaysay waajahay barnaamij ay ardayda jaamacaduhu ku waydiiyeen su,aalo badan, kaasoo uu soo qabanqaabiyay telefishanka HCTV, horena ay u waajaheen gudoomiyayaasha Waddani iyo Ucid. Hadaba wuxuu Ogaal halkan idiinku soo gudbinayaa qaar ka mid ah su,aalihii ugu adkaa ee ardaydu fagaarahaa ku waydiisay, kuwaasoo u dhacayay sidan;
“Gudoomiya Kulmiye waxaan waydiinayaa; umadda Somaliland waxay doorteen xisbiga Kulmiye 2010kii, maanatana waxa mugdi badani ku jiraa tallada dalku cidda ay ka go,do. Dalka Tuuniisiya sanadkii 1987kii waxa laysku qabtay madaxweynuhu wuu taliyaa iyo ma taliyo iyo taladda dalku cida ay ka go,do, waxa ka run sheegay oo shaaciyay in aanay madaxweynaha taladu ka go,in ee taladii cid kale u gacan gashay xisbigii taladda hayay markaa, maanta adigu waxaad tahay gudoomiyaha xisbiga Kulmiye, kursi madaxweynenimona waad doonaysaa, maanta cidda ay taladda Somaliland ka go,do ee xaqiiqada ah ee dhabta ah ee aad og tahay hadaanad ka run sheegin, sidee markaad madaxweyne noqoto laguu aamini karraa?”
“Taladda dalku yay ka go,daa?. Waaryaadhaheen su,aashaa sidaan uga jawaabaa?. Xabiib Burqiiba, xisbigiisii baa sheegay inuu asaasaqay oo aanuu talada hayn. Goormuu sheegay adigaan ku waydiinayaaye?, Xabiib Burqiiba islaantiisaa sheegtay inuu asaasaq yahay oo aanuu taladda beryahaa haynin. Waxay isku dileen ninkii xisbiga xoghayaha ka ahaa oo talada inta badan iyada la hayay bay is khilaafeen, goormay ahayd?, markii laba sano iyo dheeraad codkiisa iyo muuqiisa midnaba la arki waayay, ee ciddi uun waraaq ka soo qaadaysay. Waar madaxweynahana imisa jeer baynu wiigii aragnaa, isagoo socda ama isagoo hadlaaya, dee ma cadaalad baa Burqiiba oo sadex sano la arki waayay inaad tidhaahdo waa isku mid qoodhaa iyo xeradaa.”
Su, aal kale oo la waydiiyay ayaa nuxurkeedu ahaa in aanuu jeclayn in lala tartamo ee uu ollolaynayo in murashixiinta la tartamaysa lagaga reebo beesha dhexdeeda, halka wiilka su,aasha waydiiyay u dhigay in murashixiinta kalena ay kalsooni ku qabaan oo ay doonayaan in la tartamo oo golaha dhexe kala doorto murashixiinta. su,aashaa markuu ka jawaabayayna wuxuu yidhi; “ninkaasi wuxuu yidhi raggaa isku haysaan loollanka, adigu waxaad jeceshahay… waad yara baqanaysaa inay golaha kuugu soo galaanoo, eraygaa muu odhan laakiin hadalkaa sidaa u dhignaa, waad baqanaysaa oo waxaad ku cararaysaa odayaashoo aad leedahay adeerayaal iga reeba,anigu meesha aan iska tagee, sidaasuu u dhacayay hadalkiisu. Dee horta meel aan ku shaaciyay maad arag, inataynu isu nimina imaad xansan oo faq igagamaad maqal, fagaarena eraygaa igaga maad maqal, tuhunkuna waa xaaraan baa la yidhi, yeelkeeddee arrintaa xisbiga xeerkiisaa loo raacayaa. Xeerkuna wuxuu dhigayaa qof kasta oo golaha dhexe ee xisbiga ahi tartanka madaxweynaha wuu isa soo taagi karaa, taana diyaar baan u ahay, mana diidi karo, waanan ku khasbanahay, hadaad xisbiga golihiisa dhexe tahayna isa soo sharax adigu, kaalay fagaaraha.”
Mid kale oo ka mid ahayd su,aalihii ardayda jaamacaduhu waydiiyeen Muuse Biixi waxay ahayd; “Gudoomiyuhu wuxuu caan ku yahay, mujaahid Muuse Biixi Cabdi, waxa jira mujaahidiin kale, Mujaahid Dhegawayne maalin buu lahaa, Lixle maalin buu lahaa, Aadan shine maalin buu lahaa, Koosaar maalin buu lahaa, Cabdillaahi Askar maalin buu lahaa, markaa waxaan ku waydiinayaa gudoomiye mujaahidnimadaadu bal maalinta ay leedahay ee aad odhanayso waa maalintaydii ee sida raggaa kuu gaar ah bal noo sheeg Gudoomiye?.” Gudoomiye Muuse Biixi oo su,aashaa ka jawaabayaa wuxuu yidhi; “Mujaahid waad sheegataa, sheegashadaa maxaynu ka yeellaa!, Adeer ma meesha muu joogi jirin baa lagugu yidhi, iskaba daa sheegashada oo taariikhda maalmaheed leedahay, anigu maalinnna ma lihi, taariikhda waxaan u galayna umaddaa sheegi doonta, anigu ma ogi waxaan qabtay, weliba isuma qabo in aan wax badan qabtay, raggaa aad sheegtay iyo kuwa kale oo badanina way iga fiican yihiin, waanay iga geesisanaayeen.”
Waxa kale oo su,aalihii la waydiiyay ka mid ahaa, hantidaada ma noo sheegi kartaa?, waxaanuu uga jawaabay sidan; “Haddii aad madaxweyne isu sharaxdo hantidaada ma noo sheegi kartaa?, su,aashaasi halkan ma taalo, sharciga madaxweynaha lagu doorto laba xeer baa jira, madaxweynaha hantidiisa waa in la diiwaan geliyaa, caafimaadkiisana waa in la hubiyaa, labadaba sharcigaa igu khasbaaya. Dee malaha Anigu wax badan ba ma hayee, waxoogay waaban iska qarsanlaaye sharcigaan yeelayn. ” midba dhan buu wax ka waydiiyay, dib baa loo noqday, mid ka mid ahaa ayaa wax ka waydiiyay weeraro lagu qaaday madaxtooyadda xilligii uu talada hayay madaxweynihii u horeeyay ee Somaliland ilaahay ha u naxariistee Cabdiraxmaan Axmed Cali, kuwaasoo mid ka mid ahaa lagu dhacay gaadhigii madaxweynaha. Muuse Biixi oo su,aashaa ka jawaabayna wuxuu yidhi; “Waa runtaa. Cabdiraxmaan qof ahaan looma necbayn. Intii uu taariikhda soo maray wuxuu ahaa nin leh talaabooyin dhiiran oo uu dalkiisa wax ugu taray intaanuu SNM soo gelin, oo ay ka mid tahay markuu safiirka ka ahaa Itoobiya 1977 dagaalka hortiisii, inuu sirtii dagaal ee Itoobiya intuu gaadhi soo kaxaystay isagoo safiir ah uu xadka kala soo gudbay. Wuxuu ahaa ninkii markii laysla eegay sadex nin oo isku fac ahaa oo sadexduba ay noo ahaayeen kuwa aanu ku dayano isaga laga doortay, may ahayn in dadku necbaayeen, laakiin waxay ahayd mar aynu ku dhacnay xaalad aan kala dambayn lahayn, oo aan lays maqlayn oo jaahwareer la galay oo uu inaga lumay habkii dawladeed. Sidaa darteed dadka aan xog ogaalka ahayni tafsiir khaladay ka bixiyaan, iyada iyo waxyaalo badan oo kaleba oo dadka ku abuura naxli iyo taariikh habaabin dhalinyarada. Markaa Cabdiraxmaan maalintaa gurigiisa la galay, gaadhigii galay iyo inamaddii galay raggii bakooradeeyay baanu ahayn aniga iyo Quule Aadan, waanan kuu keenayaa, iyagiina way nool yihiin, weliba maanta garaaday sitaan waa mijiro, laakiin maalintaa khalad dhalinyaro ayay galeen.”