|

SALAADA IYO CAAFIMAADKA AADAMAHA!!

Waxaynu ogsonahay in diinta islaamku wadato mucjisooyin badan, halkan waxa an kaga hadli doona mid ka mid ah mucjisooyinka,  taas oo ah xidhiidhka qotoda dheer ee ka dhexeeya  salaadda “oo ah tiirka ugu muhiimsan ee diinta islaamka” iyo caafimaadka “ oo ah tiirka ugu muhiimsan nolosha aadamaha”

Hadaba saladu waxay kala soocda nolosha qofka ooga, iyo kan kale een uba dhaqaaqin. Taas oo u daremo raaxo naf ahaned qofka tukada wakhtiga loo asdeeyay saladaha shanta ah. Waxanu tilmaamay nabi muxamed (SCW), qofka ilaaliya shanta salaadod inuu la mid yahay qof maalinki shan jeer maydha, taas oo macneheedu yahay maydhid maskaxed iyo mid jidheedba, gaar ahan labada qaybood ee jidhku ka kooban yahay “anatomical and physiological”.

Hadaba qaybta hore ee dhismaha jidhka “anatomical”  waxa an kuso ururin karna in aysadu tusale u tahay, taas oo malinka qiyame nabi muxames (SCW) inoo sheegay inay ka muuqan doonto umadiisa, isla markaana hilaac ama iftiin ka bixi doono xubnihi qofka muslimka ahi uu marin jiray waysada.

Qaybta labaad oo ah tan khusaysa mawduucan ee shaqo ahaaneed“physiological” waxa ay qayb muhiima ka qaadata caafimadka qofka ooga salaada, isla markaana galisa fir-fircooni maskaxeed iyado ay ka qayb qaadanayso inta ugu badan dheecamo “hormones” uu soo dayo jidhka aadamuhu  wakhtiyo gaar ah, hadi wakhtiga ugu haboon laga shaqaysin aayowalxahaa uu soo daynayo hab dhiska dheecanku “endocrine system” gaar ahan qanjidhada “glands” ku jira hab dhiska kan, oo uu ugu muhiimsanyahay qanjidhka loo yaqaano “pineal gland” ama qolada caafimadku ugu yeedhaan isha saddexad ee aadamaha “third eye” waxa ku
iman karta jidhka kala dhinaansho shaqo ahaaneed.

Hadaba aan ku bilaabo salaada arooryaad iyo marka uu qofku kaso noolaado dhimashadi fududeyd e uu galay muddo gaaban.

SALAADA AROORYAAD.

Qofka muslimka ah arooryadi marka uu kaco si uu u tukado salaada arooryaad“subax” wakhtigeeda, waxa uu u bandhigayahay saddex marxaladood oo dar dar galiya qayb laxaad lena ka qaata fir-fircoonida shaqo maal meedka qofka kan.

1)u diyaar garawga saamaynta iftiinka ee shaqada jidhka qofka muslimka ah, taaso hoos u dhigaysa fir-fircoonidi qanjidhka loo yaqaan “pineal gland”gadaal ayeynu kaga faalloon wax qabadka isha saddexad “third eye” iyo heerkeeda walaxeed “molecular level”.

Waxa kale oo hoos loo dhigaa dhecaanka loo yaqaan “melatonin”, kaas oo laga soo daayo qanjidhkan kor ku xusan, isla markaana maamula xaalada soo jeed iyo hurdo ahaaneed ee aadamaha, waxa kale oo la dar-dar galiya walxaha la xidhiidha iftiinka eek ka dhex shaqeeya jidhka aadamaha.

2)waxa laso af meera qeybta qaabilsan nasashada ee habdhiska maamulka“parasympathetic nervous system” isla markaana waxa la shaqo galiya qabta kale ee qaabilsan maamulka shaqo ahaaned ee isla hab-dhiskan“sympathetic nervous system.”

3) u diyaar garawga in la isticmaalo awoodaha ka dhalanaya kor u kaca dheecaan gaara oo la yidhaa “cortison”, kaas oo laga soo daayo qanjidh ku yaala kalyaha dushooda “adrenal gland”, taasi wa sababta keenta in dhakhaatiirta badankoodu kula taliyan bukaanka inay wacantahay in subaxa hore la cabo biyo gaar ahan dadka kalyo xanuunka ka cabanaya.

Dheecankani si dabiici ah ayu u badiya shaqadisa aroorta hore, tanina xidhiidh lama laha soo baraaruga qofka iyo sariir kaso dhaadhiciisa ama dhaq-dhaqaaqa jidhkisa midna, waxa inta dheer dheecan kale aya isna kor u kaca oo ka shaqeeya dhiiga waxana la yidha “serotonin” ,
sido kale waxa kor u kaca dhecaano badan oo ay ka mid yihin “endorphin.”

Waxa halkan aan ka dheehan karna fir-fircoonida bilawga ah ee uu daremayo qofka u kaca salaada arooryaad jamacna kusoo tukada.

Wuxu ino sheegay suubaneheenu (SCW) in qofka salaada subax jamac ku tukada uu ka dhiganyahay qof taagnaa habeen oo dhan, tani waxay ku tusaysa inanu daremayn hurdo ama dheelalyo qof hore uso jeeday isla markana waxa laga qaadanaya in ay la mid tahay qofka  jamaca ku tukada salaadda arooryaad.

La soco qaybta dambe iyo is badelka ku dhaca jidhka aadamaha salaada duhur .

BY:sidiiq abdillahi ali
medical student at IUA.
sudan, khartoum.

Comments are closed