|

Qorshaha Gumeysiga Itoobiya iyo Mooganaanta Shacabka Soomaaliyeed Laba Kala Fog !!!

Xabashidu,waa caddoow soo jireenna oo dadka soomaaliyeed guud ahaanba leeyahay, waa nacab jecel tirtirka jinsiga somaliyed, waa cadoow colaadisu gaadhsiisantahay inuu maalkisa uga gaajoodo siduu Somali ugu baabin lahaa,dhanka kalan waa fuley cabsi ay ka hayso goorma Somali israacsan dhalan taasu qabo inay khatar galineyso jiritaankisa. Cadowga caynkaas ah ayaa hada isu muujiyay  inuu heley fursad  u kaga takhalusi karo Somali danbe oo si xoriyadda ugu dul nool dhulkooda,gumeysigu wuxuu istusiyay inuu haysto fursaddii kama danbeysta ahayd ee u ku gaadhi karayay yididilooyinkisa baqaha ku dhisan,wuxuu isku muujiyay gumeysigu inuu qabsan karo dhulka somaliyeed wixii ka maqnaa gacantiisa,taasna wuxuu u dajistey qorshayaal u hadba ku fashilmo markuu mid ku fashilmaba u mid kala uga guuro.

bilowgii horeba gumeysiguu wuxuu qorsheyay habku ku qabsan lahaa goboladda waqooyi ee somaliya,awooda ugu weyn ee isku haleynayay ayaa ahaa xubno xilal sarsare ka hayay goboladaas ,damiir laawayaashi gumeysiga kala shaqeynayay qabsashadda dhulkooda

waxaa sameyeen talaaboyinkii suurta galinayay hadafkii xabashida ee ahaa gumeynta ,waxaan soo gaadhsiyeen heer ciidankii ka amar qaadanayay ay ugu labisaan dereyska askarta xabashida

xilli ay goboladaas qarka u saarnayeen in la qabsado ayaa dhacay dagaalkii waddanka ereteriya la galay  xabashida  dagaalkaas oo dhacay 1998 ayaa dib u dhigey gacan galkii goboladda waqooyi ee somaliya.

Gumeysiga oo aan marna ka daalin kana quusan wax kasta oo Somali ku waxyeeleyn kara ayaa markale kusoo roogal celiyay habku ku qabsan lahaa goboladda waqooyi galbeed somaliya oo xilligaas ahmiyadiisa koobad ahaa,si u taasi uga dhabeyo wuxuu markae ku  milmey maamulkii cusuba ee xilligaas oo xubno sarsare ku yeeshey, wuxuun la wareegey awooda ciidanka wardoonka ee CID loo yaqaan .ciidankaasi oo u  ka dhigtey qaar u ku ugaadhsado shacabka gumeysigiisa uga soo cararey gudaha ogaadeeny,taladda goboladda waqooyina si dadban ayaa u hoos gashay gumeysiga xabashida,wuxuun judhiba si hawl yar u fushadday qaar ka mid ah danihii u qabsanayaay dhulkaas,sida isticmaalka dekadda berbera oo si cashuur la”aan iyo baadhitaan  la aanba ah ugala soo deggey hub,gumeysigu wuxuu sharci yaystey inaan  cashuur laga qaadin waxyaalaha dowladda xabashida u socda,sidoo kalan gumeysigu wuxuu xubnaha maamulka sheeganayay ee ka amar qaadanayay ku amrey in cashuur yareyn u sameyaan waxyaabaha shacabka itoobiyanka kala soo degayaan dekadda,taasi oo loo sameyay cashuur yareyn ka hooseysa heerka kuwa ku socda gudaha goboladda waqooyi ee waddanka somaliya.

Gumeysiga oo ismulkisiiyay goboladda waqooyi ee somaliya ayaa isku muujiyay in kuwan gacantiisa kujiraan wax ka dhiman tahay goboladdii konfureed ee somaliya,gumeysigu wuxuu isku muujiyay in xoog ku qabsan karo goboladaasna isaga oo dantiisu caynkaas tahay balse arimo kale ku raad gadanayaa ayaa gobolada konfureed ee waddanka somaliya la galey ciidan faro badan kuwaasi oo hubkoodu u dhameystiranyahay,inkasta oo halkaas gumeysigu ku xasuuqey shacab iyo hooyooyin badan oo somaliyeed hadan ma gaadhin yoolku lahaa waxaan khasab ku noqotey in dhalinyaradiisa dugsiyadda kujirtey  u tababaro degdeg ah soo siiyay isla markaas soo galiyaya gudaha dhulka somaliya si ay u kaaban una asturaan ciidankiisii ku riiqdey xabadii waddanigii difaacayay ciidisa.

Gumeysiga xabashida oo aan ka quusan rajadiisi gumeysi tabartiisun runta u sheegtey ayaa caqligiisa dib ugu noqdey wuxuuna isku qanciyay in habkii u goboladda waqooyi taladooda gacanta ugu dhigey oo kale ku qabsan karo guud ahaan geyga soomaaliya,isaga oo taasi ka duulaya ayaa dalka soomaaliya keeney nidaam u ku sheegey Federaal ,kaasi ayaan ka hirgaliyay,wuxuun gumeysigu soo xushey niman maanka xabashi ka ah magacan soomaali ka ah kuwaasi ayaa taladda gobolkasta oo u sameyay u dhiibtey,wuxuun maamuladaas rag u wakiishey u sheegey inay dhamaantood isaga wada hoos yimaadan yagguna dhexdooda aaney ka yeelan xidhiidh. Gumeysiga xabashidu maaha mid halkaas ku joogaya balse talaabada ugu danbeysaa oo gumeysiga dadka dhaqankiisa yaqaan qiyaasayaan inuu qaado ayaa ah habkii u wakiiladisaas iyo maamuladii u dhiseyba u toos ugu hoos keeni lahaa taliskiisa,halkaasna u  doonayo inuu kusoo afjaro khariiradda soomaaliya.

Gumeysiga itoobiya maaha mid ay waddo awoodi balse wuxuu ku socdaa waxkasta oo aanu awoodi karina iskugu dayayaa waa colaada u jinsiga soomaaliyeed u hayo,tabar daradda gumeysiga waxaa xilli horeba  cadeyneyay soona bandhigay ciidanka waddaniyiinta ah ee u dagaalamaya xoreynta dhulka kheyradka eebe ku caam yeeley ee ogaadeenya,halkaas oo ay askarta gumeysiga kula galaan dagaalo ay badiba ku jabiyaan,tiradda badan ee ciidankiisu  kusoo dagaal tagaan maaha mid u guul ku gaadho,mana laha awood u ku waxyeelen karo waddaniga hubeysan ee ka hor yimaada balse taasi beddelkeeda askarta gumeysigu waxaa ku meereystaan dadka shacabka ah een hubeysneyn yagga oo  faral ka dhigtey gubitaanka gurayaha iyo xidhxidhka waayeelka iyo haweenka.

Ugu Danbeyntii qoraalkeenan waxaan kusoo xidheynaa in xabashida lo aqoonsado cadowga koobad ee somalinimad,taasi ayaan ku jirtaa badbadinta somalinimaduu

 

W/Q: Maxamed Cabdi Ibraahim

 

——————————————————————————————————————–

Qurbejoog.Com marna kama masuul ahan aragtida dadweynaha iyo faallooyinka ay soo diraan, balse waxa ka masuul ah muwaadinka ummaddiisa la wadaagay qoraalkan ama faalladan,

Comments are closed