|

Warbixin: Afrika Kor u Socota HAA , Afrika Hoos u Noqota Maya

Nairobi 11.Oct 2015 (SDN/QJ)- Sahan laga sameeyey tayada  Xukuumadaha Qaaradda Afrika qaarkood ayaa muujinaya in  aan waxyaabo badan la hagaajin  afartii sanadood ee u dambaysay.

Horumarka guud ee Dawladaha Afrika ayaa hakad Galay’ sidaa waxaa yidhi Mo Ibrahim oo ah nin dalashadiisu ka soo jeeddo wadanka Sudan, oo Hay’adiisa Ibrahim Index of African Governance ay bixiso abaalmarinada la guddoonsiiyo hogaamiyayaasha afrikaanka ah ee wax muuqda ka qabta baahiyaha lagama maarmaanka ah ee bulshadooda.

haaaaWarbixintii ugu dambaysay ee ay hay’adani soo saarto lagana sameeyey inta badan  Xukuumadaha  Qaaradda afrika ayaa la baahiyey todobaadkan badhtimihiisii iyadoo dhinacyada isku soo duway ee soo agaasimay ay raaceen xogihii afartii sano ee 2011 ilaa 2014 waxana  la isu eegayey horumarka ay sameeyeen shaqsiyaadka xukunka haya iyo  dalal kala duwan oo la qiyaasayo horusocodka ay sameeyeen.

Natiijada warbixinta waxaa ka soo baxay in celcelis ahaan ay dadweynaha afrikaanka ay u soo hagaagayaan dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, adeegyada daryeelka  iyo awoodda ay u leeyihiin ka qaybgalka awoodda Dalka, xilli ay dhanka kale warbixintu  ka cabirtay xukuumadahu heerka ay  ka joogaan horumarinta bulshooyinkooda gaar ahaan ka qayb qaadashada xuquuqda aadanaha, Horumarinta dadka, amniga iyo ku dhaqanka sharciga oo ay soo raacdo u abuuritaanka fursado dhaqaale oo la isku hallayn karo.

Warbixinta ay baahisay hay’adda Ibrahim Index of African Governance oo leh ilaa 14 warbixino hoosaado ah, aasaasna looga dhigay xogo gaadhaya ilaa 93 qaybood oo ay soo kala diyaariyeen  33 hay’adood oo madaxbanaan ayaa muujisay meelaha ay Xukuumadaha Afrika Horumarka ka sameeyeen iyo meelaha dib u dhac ka jiro.

Hadaba iyadoo guud ahaan ay soo hagaagayso ka qaybgalka siyaasadeed iyo qabashada doorashooyin xor iyo xalaal ah hadana 31 wadan oo qaaradda ka tirsan ayaa heerkooda xuquuqda shaqsi ahaaneed uu dib u dhac ku yimid gaar ahaan xoriyadaha ururada bulshada rayidka ah, halka sidoo kalena inkastoo ay jiraan talaabooyin dhanka saxan looga qaaday booska ay haweenku bulshada ku leeyihiin ayaa hadana waxa meelo badan oo qaaradda ka mid ah weli qabyo ka ah xeerarkii lagu difaaci lahaa haweenka hadii ay la kulmaan tacadiyo sida lagu sheegay warbixintan oo sidoo kale qeexaysa in horumarka ugu wanaagsan ee Xukuumadaha Afrika ay sameeyeen mudadaasi uu yahay Horumarinta dadka sida waxbaristooda, caafimaadkooda iyo daryeelidooda, iyadoo uu muuqaalkani muujinayo in dhinacyadan laga sameeyey horumarka ay hogaaminayso dawlada Itoobiya oo ay soo raacaan 39 wadan oo kale oo Qaaradda ka tirsan.

Haweenayda madaxa ka ah diyaarintii warbixintan Elizabeth McGrath, oo u waramaysay shabakadda wararka ee  AllAfrica ayaa sheegtay in helitaanka tamar ku filan ay dalal badan oo Afrikaan ah u saamaxday inay ka dhabeeyaan ujeedooyinkii horumarineed ee Qaramada Midoobay la doonaysay caalamka. Iyadoo arintaa ka hadlaysana waxa ay tidhi sidan: ‘Halkaa waxaa ah siyaasado keenaya werwer, sida qaabka ay waxbarashada xiligani ardayda ugu diyaarin karto ka qayb qaadashada tartanka dhaqaalaha, labaatan wadan oo ka mid ah Afrikana uu rikoodhkooda arintaasi ku saabsani liito’

Comments are closed