|

Suldaan Wabar oo Itoobiya Ka Soo Saartay Dalkeeda Soona Galay Gudaha Somaliland,Hadal Kululna Jeediyay Badhasaab Ramaax DAAWO

Boorama 10.Oct 2015 (SDN/QJ)-  Suldaan Wabar oo ka Soo Jeeda Gobolka Awdal isla markaana Falal amni daro ah ka sameeya deegaanada Gobolkaasi ayaa Ciidamadda Itoobiya waxay Shalay ka soo saareen dhulkooda.

Suldaan Wabar ayaa sheegay inuu u hogaansamay amarkaas isla markaana uu Gudaha u Galay Somaliland,Inkastoo uu sheegay inaanu amarkaasi ka soo wada bixin dawlada federaalka Itoobiya Waxa uu Suldaanku ku hanjabay inuu sii wadayo dhaq dhaqaaqa Maamul uu Ku Sheegay Aare oo uu hogaamiyo.

Comments are closed