Diyaarado joog hoose ku duulaya oo Cabsi galiyey Dadka iyo Duunyada ku dhaqan deegaan ka tirsan Awdal
Qulujeed 10.Oct 2015 (SDN/QJ):- Deegaannada gobolka Awdal ee ku teedsan Xadka u dhexeeya dalalka Somaliland iyo Itoobiya, ayaa lagu arkay labadii gelin ee Shalay oo Jimce ahayd Diyaarado joog hoose ku duulaya oo ku dul-wareegayey dhulkaas, kuwaasoo loo maleynayo inay leeyihiin Ciidammada dawladda Itoobiya, kuwaasoo dadka cabsi galiyey sida ay Warbaahinta u xaqiijiyeen dadka deegaanka qaarkood.
Diyaaradahan oo ah diyaaradaha qummaatiga u kaca ee loo yaqaanno Helikobtar’s-ka ee ay Ciidammadu adeegsadaan, ayaa labadii gelin ee shalay iyaga oo joog hoose ku duulaya dul heehaabayey deegaannada ku teedsan Xadka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya, gaar ahaan deegaannada ku dhaw degmada Qul-ujeed ee gobolka Awdal.
Dad ku sugan deegaanka Qul-ujeed, ayaa sheegay in laba Helikobtar oo kuwa Ciidammada ahi ay gelinkii hore ee Jimcaha maanta kaga yimaaddeen dhanka Galbeed ee Xuduudka Itoobiya, isla markaana gelinkii dambe ee isla maanta mar kale soo dul-mareen. Waxay intaas ku dareen in diyaaradahaas oo aanay ujeeddadooda fahmini argaggax iyo cabsi geliyeen Dadka iyo Duunyada ku dhaqan deegaannadaas.
Dhaqdhaqaaqa diyaaradahan ayaa ku soo beegmaya toddobaado ka dib heshiis dhanka ammaanka ah oo ay kala saxeexdeen dawladda Federaalka Itoobiya iyo Somaliland, kaasi oo salka ku haya in Itoobiya wax ka qabato Jabhadda Suldaan Wabar ee dhaqdhaqaaqyada ammaan daro ka wadda gobolka Awdal. Waxaana loo maleynayaa in dawladda Itoobiya bilaabayso tallaabooyinka ay wax kaga qabanayso kooxda Suldaan Wabar.