Wasiirka Arrimaha Guddaha Markii Kowaad Ka Hadlay Weerarkii Lagu Qaaday Badhasaabka Gobolka Awdal DAAWO
Hargaysa 10.Oct 2015 (SDN/QJ)- Wasiirka Arrimaha Guddaha Somalilnd Md: Cali Maxamed Waran cade oo shir jaraaid maanta ku qabtay xafiiskiisa magaalada Hargaysa ayaa si adag uga hadlay weerarkii bahalnimada ahaa ee lagu qaaday Hoyga badhasaabka gobolaka Gobolaka Awdal .
Wasiirka arrimaha Gudaha Somalilnd ayaa sheegay in kooxad Suldaan waber ay soo dhabar taabato dawlada Somaliya oo uu sheegay inay jeceshahay inay isu eekaadaan dalalka Somaliland & Somalia waxanu sidoo kale mahad celin balaadhan u jeediyay dawlada Itoobiya oo ka gacan siisay Ciidamada nabad galyada Somaliland sidii loo soo qaban lahaa maleeshiayadaasi weerarka fulaynimada ah gaysatay wasiirka oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Waxan tacsi u dirayaa askartii ku dhimatay shaqaaqadii boorama ,waxaan u mahad celinayaa bulshawaynta reer boorama gaar ahaan mu’waadiniintii qaybta wayn ka qatay gacan ku dhiiglayaashii gaystay falkaasi fulaynimada ah ,bulshada inteeda kalana waxan ku boorinayaa inay ku daydaan ragaasi aan sheegay sharaftoodana siin doono ,reer awdalna aadbaan uga mahad celinyaa sida ay u go’doomiyeen gooxdaasi yar ee cadawgeenu ku shaqaysanayo ,arrintaasina waxay maraysaa gabo-gabo”.
Wasiirka Arrimaha Guddaha oo hadalkiisa sii wata ayaa mahadcelin iyo amaan huwiyay Madaxwaynaha DDSI Cabdi Cumar oo uu sheegay inuu ka shaqeeyo nabad galyada xuduuda labada wadan ee Somalilnd & Itoobiya waxaanu yidhi “Waxaan sido kale u mahad celinayaa dawlada Itoobiya haday tahay kililka shanaad iyo dawlada fedraalka ahba sida qiimaha leh ee aynu uga wada shaqayno wixii dhibaata ah ee ka dhaca xuduuda labada wadan si khaasa waxan u mahad celinayaa Madaxwaynaha DDSI Cabdi Maxamuud Cumar oo isu taxaluujiyay sidii xuduuda labada wadani u noqon lahayd xuduud nabad ah ”
Wasiir Cali Warancade ayaa dowlada Somaliya ku eedeeyay inay soo dhabar taabato kooxda Suldaan weber ku uruuriyay buuralayda Itoobiya waxanu yidhi “Arrintaasi waxa ka danbeeya dad caqli gaaban oo cadaw ku adeegsanayo ha ugu horeeyaan Somaliya’e oo aanu ognahay inay dabada ka riixayaan oo doonaya inay isu eekaysiiyaan Somalilnd iyo Somalia waxaan leeyahy dalka Somaliland umadaiisa iyo dadkiisuba way midaysan yihiin cidii isku dayda inay khalkhal galiso nabad galyada somaliland dhexday farta ka qaniini doonaan ”
Wasiir Waran-cade ayaa soo hadal qaaday masuuliyiin loo xidh-xidhay weerarkaasi waxaanu sheegay in cadaalada la hor gayn doono “qolada loo xidhay weerarka Wixii aan danbi lahayn waxaan balan qaadayaa inaan marnaba la dhibaatay waana lakala shaandhayn doonaa kuwii wax ku cadaadaan waxay wajihi doonaan cadaalada ”ayuu yidhi Wasiir Waran-cade.