|

Ciidamada Itoobiya Oo Hawlgal Ay Ku Sugayaan Amaanka Ka Wadda Deegaanada Xadka Ee U Dhaxeeya Dharwanaaje Iyo Aw-Barre

Boorama,October 8,2015(SDN/QJ)-Ciidamada Itoobiyaanka ayaa maanta bilaabayinay hawlgal sida la sheegay ay ku sugayaan ammaanka deeganada xadka ee u dhaxeeya Dharwanaaje ilaa Aw-Barre ka dib markii koox hubaysan oo loo tirinayo Suldaanka falaagoobay ee Wabar ay waabarigii habeen hore weerar ku soo qaadeen guriga uu Boorama ka degganyahay Badhasaabka gobolka Awdal Maxmuud Cali Saleebaan (Ramaax),halkaasoo ay ku dileen 2 ka mid ah ilaaladiisii qaar kalena dhaawacyo u geysteen.

Hawlgalkaa ciidamada Itoobiyaanka oo ka socda dhulka lagu tuhunsanyahay inuu ku dhuumaalaysto suldaan Wabar iyo ciidankiisu ayaa waxa la sheegayaa in lagu soo qabtay gaadhigii uu Mr Wabar wadan jiray isagana lagu daba jiro si gacanta loogu soo dhigo.

Comments are closed