Soomaaliya Maanta Waxa ka socda waa ku xadgudub ka dhan ah Diinta Islaamka iyo Xaquuqda Aadanaha waa in Wax laga qabta Arrintaas
Dalka Soomaaliya Waa dal xor ah oo Xornimada qaatey July 1, 1960, hase yeeshe waxa nasiib daro ah in laga soo bilaabo 1991 ee burburkii Dowladdi dhexe ee uu hoggaaminaayay Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre ilaa iyo maanta oo ah 2015 Soomaaliya aysan laheyn Dowlad Dhexe oo awood u leh in ay Maamusho 18 Gobol ee Soomaaliya ka kooban tahay.
Haddii aan wax yar ka xuso sababtii loo ridey Dowladdi Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre waxay aheyd in ay tahay Dowlad keligi talis ah oo lid ku ah Xaquuqda Aadanah oo weliba aan ogoleyn in dalka uu yeesho Xisbiyo Siyaasadeed ama aysan ogoleyn xoriyadda hadalka ama in Shacbiga ay sameeyn karaan banaan baxyo ay ku cabiraayaan waxa ay doonaayaan.
Dowladdii Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre ee wax ka xun ayaa maanta Soomaaliya ka jira ee bal dib u fiiri ee waxa socda hadda ee Qofkii la rabo waa la dilaaya, Qofkii la rabo waa la xiraaya, qofki la rabo Maalkiisa iyo Gurigiisa waa la dhacaya, sidoo kale Warbaahinta madax banaan kama hadli kartid ee haddii aad hadasho oo fekerkaaga aad dhiibato waxad noqoneysa danbiile ee waa lugu xiraya ama dil ayaa lugu xukumaaya.
Waxaa marar Qaarkood dhacda in weerar loo geysta Warbaahinta badax banaan sida Telefishinada, Raadiyaasha iyo Wargeysyada iyo sidoo kale waxaa dhacda in Wariyaayasha xabsi la dhigo ama la dilo ama jir dil xun lugu sameeyo.
Soomaaliya Maanta Waxa ka socda waa ku xadgudub ka dhan ah Diinta Islaamka iyo Xaquuqda Aadanaha waa in Wax laga qabta Arrintaas.
Fiiro Gaar ah: Anigoo ah Daahir maxamed Sheekh ee Waxaan halkaan ka cadeeynaaya in aan ka soo horjeedo 100 % ee Xadgudubka ka socda Soomaaliya, waxaana go,aan sadey in aan ka hortago wax walba ay igu qaadato.
Mahad Sanadiin,
Mr. Dahir Mohammed Sheikh
Email: mr.dahir@live.com
Nairobi Kenya