Israel Oo Muslimiinta U Diiday Masaajidka Al-Aqsa iyo Isku Dhac Ka Dhashay – Daawo Sawirrada.
Jerusalem,5Oct,2015(QJ/SDN)-Maamulka Yahuudda, ayaa waxa uu maanta uu xayiraado ku soo rogay Daanta Galbeed ee dhulka Falastiiniyiinta ee Yahuuddu xoogga ku haysato, ka dib laba nin oo Israeli ahaa oo lagu dilay Daanta Galbeed.
Dadka Falastiiniyiinta ah ee aan deganayn Daanta Galbeed, ayaa waxaa maanta loo diiday inay gudaha u galaan Daanta Galbeed, iyadoo Muslimiintana laga horjoogsaday inay ku cibaadeystan Masaajidka Al aqsa.
Dhalinyaro ka cadheysan xanibaadda lagu soo rogay Muslimiinta, ayaa waxay foodda is dareen Ciidanka Isreal, iyagoona ku caabiyay dhegxaan ay ku tuurayeen.
Isku dhaca dhex maray Ciidanka Israel iyo dadka reer Falastiin, ayaa sababay dhaawaca illaa 18 qof oo Falastiini ah, sida ay xaqiijiyen Saraakiisha caafimaadka ee Magaalada Jerusalem.
Saraakiisha Falastiin waxay sheegeen in Ciidanka Israel ay xidheen saddex qof, balse Saraakiisha Israel ayaa dhankoodu sheegay inay xidheen laba qof oo keliya.
Israel waxay sheegtay xanibaadda lagu soo rogay Daanta Galbeed in ay socon doonto laba cisho, isla-markaana ay ku xakamaynayso xiisadda ka taagan Daanta Galbeed.
Dhanka kale Ciidanka Israel, ayaa shalay subixii weeraray guri ku yaala Daanta Galbeed, waxayna ku dhaawaceen 12 ruux, ka dib markii gurigaasi la sheegay in lagu tuhmay inuu ku sugan yahay nin lala xidhiidhinayo Ururka Xamaas.
Halkan Hoose Ka Daawo Sawirro Dhammeystiran:
QJ/SDN: Hargeysa