DAACISH Oo Markale Dhaq-dhaqaaqa Al-shabaab Ugu Baaqday Inay Kusoo Biiraan Dowladda Islaamka.
Hargeysa,4Oct,2015(QJ/SDN)– Dowladda islaamka (Daacish) ayaa mar kale ugu baaqday Xarakada Al-shabaabta ee Soomaaliya inay kusoo biiraan, ayna u hoggaansamaan Amiirka ugu sarreeya dowladda Islaamka (Daacish), Abuubakar Al-Baqdaadi.
Daacish ayaa fariimahan baaqa ah waxay kasoo saareen dhammaan goobaha ay ka taliyaan ee ku yaalla dalalka Carabta, sida Sinai, Masar, Raqqa, Suuriya, Furaat oo Ciraaq iyo Xad-ramuud, Yemen ayaa waxay ahaayeen Hal ujeeddo, waxaana loogu magac daray [XAQA KOLONYADA] iyo dhageyso Mujaahidka ka dagaallamaya Soomaaliya.
mid ka mid ah ciidamada Dowladda Islaamka (Daacish) ayaa fariintan muuqaalka ah ku sheegay in dhaq-dhaqaaqooda kala duwan ee Caalamka ay ugu baaqayaan Al-shabaab inay la midoobaan Khilaafada Islaamka ah.
Farriintan ayaa ahayd tii labaad oo dowladda Islaamku u soo dirto Al-shabaabta Soomaaliya oo ay ugu baaqayaan inay kusoo biiraan, balse Al-shabaab ayaan wax jawaab ah wali ka soo saarin.
Dhanka kale, warar soo baxayay maalmihii lasoo dhaafay ayaa sheegaya in Al-shabaab dhexdooda ay ku kala aragti duwanaadeen inay ku biiraan dowladda islaamka iyo in kale, waxaana murankan uu keenay in la xidho shan ka mid ah ajaanibta ka bar-bar-dagaalama Al-shabaab.
llaa hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay Al-shabaab oo la xidhiidha inay aqbaleen baaqa uga yimid dowladda islaamka iyo in kale, iyadoo weli uu taagan yahay muranka ka dhshay ku biirista Daacish iyo ku biiris-la’aanteeda.