|

Xukuumadda Somalia Oo Ka Hadashay Sababta Loo Xidhay Suxufiyiin Ka Tirsan TV-ga UNIVERSAL

Muqdisho 04.Oct 2015 (SDN/QJ)-  Xukumadda Muqdisho, ayaa sheegtay in wariyeyaasha iyo telefishanka Universal loo haysto dood telefishanka laga sii daayay oo aan lagu soo marti qaadin xukumadda, islamarkaana xukumadda eedaymo loogu jeediyay.

 

Cawil-daahir2Ciidamada nabad-sugida Soomaaliya waxa ay xidheen wariye Cawil Daahir Salaad iyo Cabdullaahi Xirsi Kulmiye iyagoo markii danbana ciidamo hubeysan u diray xarunta TV-ga ee magaalada Muqdisho.

 

Wasiiru-dowlaha wasaaradda warfaafinta Maxamed Cabdi Xasan Beekoos ayaa ku dooday in suxufiyiintu gashay dambi, cid kasta oo dambi gashana la xidhayo.  Waxa uu sheegay in teleefishinka ay kasii daayeen dood hadallo ka dhan ah dowladda lagu faafiiyey, ayaga oo aan fursad u siin dowladda in qof difaaco uu uga qeyb-galo doodda.

 

“Arrimaha xidhiga waxbaanu ka ognahay. Waxaanu ka wada shaqaynay ciidamada amniga, idaacaddaasi waxay la mid tahay cidaadaha, cid kasta oo dambi gashana sharcigu ma cafinayo, horena arrimo badan ayaa ciidanka amnigu idaacadaas(Universal) uga digay wayna ka dhego adaygtay. Dhego adaygaasi wuxuu keenay inay baahiyaan waxay iyagu rabaan, saxaafaddu waxay rabto ma sii dayn karto. Waxa la rabaa saxaafaddu markay dood samaynayso ama war sii daynayso waa in dhinaca kale dad difaacaya ay jiraan ama wariyaha laftiisu yidhaa warka intaasi ku ma jiraan oo wax ka reebo,” ayuu yidhi Wasiiru dawluhu.

Comments are closed