|

Badhtamaha Suuqa Bakaaraha ee Magaaladda Muqdisho oo Iska-horimaad Ku Dhexmaray Ciidanka Dawladda Federaalka

Muqdisho 04.Oct 2015 (SDN/QJ)- Ugu yaraan hal askari ayaa dhintay, mid kalena waa uu dhawacmay kadib markii rasaas ay isku weydaarsadeen magaalada Muqdisho laba dhinac oo ka tirsan ciidamada dawladda Soomaaliya.

2BBE9081-03A0-48E5-BD49-554BB4372EE6_w640_r1_cx0_cy12_cw0_sGoobjoogayaal ayaa Warbaahinta u Sheegay  in iska horimaadkan uu ka dhacay agagaarka suuqa Bakaaraha.

Rasaasta ayaa la sheegay inay is weydaarsadeen ciidan ilalainayey shaqaaaha canshuur ururinta iyo kuwo kale oo ka tirsan laamaha amniga oo ku sugnaa Isgoyska Bakaaraha.

Ciidamo saddexaad oo ka tirsan dawladda ayaa sheegay inay ugu dambayn kala dhexgaleen ciidamada isku dhacay, xaaladduna caadi kusoo laabatay.

Comments are closed