|

Khasaaraha Soo Gaadhay Ciyaaryahannada Xulka Gobolka Sanaag oo War-idaad Gaadhi kula dhacay

Burco, 04 Oct  2015 (SDN/QJ)- Saddex Qof oo uu ku jiro Tobabbaraha Xulka Kubbadda Cagta gobolka Sanaag, ayaa dhaawacyo kala duwani ka soo gaadheen, ka dib markii uu la dhacay mid ka mid ah Baabuurta ay saarnaayeen oo u soo jeeday dhinaca magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer Maanta, halkaasoo bilawga Ciyaaraha Tartanka gobolladu ka furmi doono 5-ta bishan aynu ku jirno ee October oo Isniinta Berri ku beegan.

Shil BaabuurGaadhigaas oo noociisu Toyota Surff yahay oo ay saarnaayeen lix ka tirsan Ciyaaryahanada iyo Masuuliyiinta Ciyaaraha gobolka Sanaag, ayaa ku geddoomay meel wax yar u jirta deegaanka War-idaad ee u dhaxaysa Ceerigaabo iyo Burco, kana tirsan gobolka Sanaag, isla markaasna ah Dhul-badhaha Somaliland.

Guddoomiyaha gobolka Sanaag Axmed Cabdi Falaay oo Waraysi kooban siiyey Shabakadda Cadalool ee dhinaca Ciyaaraha, ayaa xaqiijiyey dhaawaca Tabobbaraha oo uu ku sheegay mid fudud iyo xaaladda wakhti xaadirkan ee Ciyaaryahannada xulka gobolkaas oo Safarkoodu ku salaysnaa ka qaybgalka tartanka Ciyaaraha gobollada Somaliland oo maalinta Isniinta ah ka bilaabmaya labada magaalo ee Burco iyo Boorame ee gobollada Togdheer iyo Awdal.

“Tababarihii kooxda ayaa dhaawac soo gaadhay, dhaawac sidaas ahna ma gaadhin, ciyaaryahanadii iyo dhamaantayona waxaanu hadda joognaa magaalada Burco.” ayuu yidhi Guddoomiyaha gobolka Sanaag Axmed Cabdi Falaay oo Weriye Cadalool ka tirsan oo khadka taleefanka wax kaga weydiiyey sida uu Shilku u dhacay iyo khasaaraha ka dhashay.

Badhasaabka gobolka Sanaag waxa uu sheegay in magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer la soo gaadhsiiyey Dhaawaca Shilkaas Baabuur ka dhashay, waxaanu yidhi; “Baabuurkii dhacayna waannu soo jiidnay oo waxaannu keennay Burco, Tabobbarihiina waxaa lagu daweynayaa Cusbitaalka magaalada Burco oo lagu dawaynayo.”.

Dhinaca kale, Shabakada Qurbejoog.com oo la Xidhiidhay dhakhaatiirta ka hawl-gala cisbitaalka magaalada Burco Isla markaana aanu wax ka Weydiinay Xaalada Dadka Shilkaas ku dhaawacmay  ayaa Caawa noo sheegay  inay wali la tacaalayaan dhaawacyadii ka soo gaadhay shilkaas gaadhiga oo qaar ka mid ahi ay Culus Yihiin.

Comments are closed