|

“Xadhig la Is Xidho la Isugu Habran Maayo,Go’aankayguna Waa Kii hore-uun,Mudh haday ka qadhaadhay….”Suldaan Sabayste DAAWO

Hargeysa, 04 Oct  2015 (SDN/QJ)- Suldaan Mawliid Cali Sabayse oo ka mid ah madaxdhaqameedka Somaliland, ayaa laga soo daayay xabsiga dhexe ee Magaalada Hargeysa.

Suldaan Mawliid Sabayso oo maxkamadda gobolka Hargeysa ay maanta amar ku bixisay in la sii daayo maadaama cidii soo ash-kataysay ay hor iman wayday dhagaysigii dacwadii loo haystay, ayaa markii uu xabsiga kasoo baxay waxa uu warfidiyeenada u sheegay in xadhigiisa ay sabab u ahaayeen hadalo uu ku bayaamiyey, kuna dhaliilay siyaasado ay xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo ku dhaqanto oo ay ku boobayso xoolaha iyo hantida ummadda ka dhaxaysa sida dhulka dawladda, wareejinta haamaha shidaalka, madaarka iyo dekadda Berbera, maktabada Gaandi iyo qodobo kale oo arrimahaasi la xidhiidha.

Comments are closed