|

“Haamihii Maanta Waa La Isku Soo Kululeeyay Oo Ciidanbaa La Soo Dhoobay Berbera, Waxaanu Yeelayno Maaha” Suldaanka Subeer Awal

Hargeysa, 04 Oct  2015 (SDN/QJ)- Suldaanka guud ee Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan, ayaa Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo uga digay inay aanay hantidda qaranka wareejin karin, waxaanu sheegay in muddadii ay shacbigu doorteen ay dhamaatay islamarkaana looga fadhiyo inay dalka gaadhiiso doorashooyin.

suldan-xasan-suldanSuldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi oo warbaahinta la hadlay ka dib markii xabsiga dhexe ee Hargeysa laga soo daayay Suldaan Mawliid Sabayse waxa kale oo uu u mahadnaqay cid kasta oo ka damqatay xadhiga Suldaanka.

Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi waxa uu Xukuumadda uga digay in aanay hantidda qaranka cid gaara heshiis kula geli karin, waxaanu yidhi “Wixii xaq ah ka gaban mayno waanu u soo jeednaa, fartaanu ku fiiqaynaa qaranka waanu u soo jeednaa,hantidaa Ummadda ee la boobayana ee subax walba wax ugu soo toosayno wax suurto gelaya maaha. Haamihii maanta waa la isku soo kululeeyay oo ciidanbaa la soo dhoobay Berbera waxaanu yeelayno maaha, dee ciidan haddii cidi wax ku cadgoosanayso quwadii Afrikaa ku cadgoosan lahayd, wey tagaysaa Xukuumaddani oo cadceed casar joogtaanu hore ugu tilmaanay, waxaanay ku tagaysaa cod shacbi oo maanta muddo xilkeedkeedii wuu dhamaaday oo 5 sanno ayuu ahaa muddadeedu,inta loo kordhiyay waa inay dalka doorasho ka qabato, wax heshiis ah oo ay geli kartaa haba yaraatee ma jiro.”

Suldaan Xasan waxa uu ka dareen celiyay inuu xoriyadiisa dib u helay Suldaan Mawliid Sabayse, waxaanu yidhi “Maanta aad baanu ugu faraxsanahay Suldaan Mawliid oo xoriyadiisii dib u helay, runtii waxa nasiib darro weyn ah oo aad moodaa inay xushmadii iyo dhaqankii sandalada baal-marsan tahay 17-kii bisha sidii nalooga soo qafaashay ee aan naloo xurmayn, ee aan xushamadii qaranka aanu ku lahayn meesha looga saaray, Guriga salaadiinta habeenimadii naloogu soo daatay, dhaqankeena wey ka fogtahay, dawladdnimada wey ka fogtahay, gobanimada wey ka fogtahay. Waxay ahayd macno afduubay ahayd iyadoo habeenimo loo soo daatay Guriga, islamarkaana habeenimo Jimce soo galayo, waxa nasiib darro weyn ahayd isla habeenkii xarunta CID-da ayaa lagu hakiyay, salaadii subaxbaa toos loo geeyay Jeelka dee inay Maxkamaddi rumaan garayso ayay ahayd intuu garsugaha yahay” Ayuu yidhi Suldaanka guud ee Subeer Awal

Suldaanka oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi “Maxkamaddu may shaqaynayn, xafiisyadu fasax bay ahaayeen ilaa xadkaa waxaad arkaysaa in sharcigii la laalay, xushmadii salaadiintu lahayd laba saacadood baanu Nimanka is hortaagnayn, waar madax dad baa nalagu aaminaa, waa anagaa soo kaxayn doona oo keeni doona,waar Maxkamadda ha laga soo furo dacwad ka dhan ah. Annagu dacwad ma ogin qaranka debmi uu ka galayna ma ogin.” Ayuu yidhi Suldaan Xasan

 

Suldaanka guud ee Subeer Awal waxa uu intaas ku daray “Waxa nasiib darro weyn ah xoriyatul-qawlka ayuu ka taliyay Suldaan Mawliid ee Dastuurkeenu jideeyay ee uu fasaxay, waxa uu ka gilgishay arrimaha maanta dalkan ka socda ee aan cidnaba u cuntamayn, shacbigana u cuntamayn guddo iyo dibadba, salaadiin ahaana noo cuntamayn guddo iyo dibadba wixii la wada lahaa ee ileen qaranka xoog iyo qori laguma qabsane, waxa weeyaan marka dhaliila la sheego, dhaliisha in dib loogu joogsado bay ahayd oo la saxo oo sixitaan loo qaato. Nasiib darro cagojuglayn iyo habeen badh la isla baxaa dee waatii Siyaad Barre eeday oo nasiib darrada intaa leeg dee kamaanan filayn Xukuumaddii aynu codka ku keenay ee kacdoonka shacbi lagu doortay, waxa nasiib darro weyn ah iyadoo Salaadiintu birmageydo tahay oo Ingiriis, faqash iyo Xukuumaddihii kala dambeeyayna aanay ka dhicin in habeenimo loo soo daato salaadiinta taasina waa taariikh bar madaw ah oo Xukuumaddan uun ku suntan, waxaan u manadnaqayaa oo aan mahada la qabaa shacbi weynaha reer Somaliland guddo iyo dibadba siday ay uga gilgisheen xadhiga xaqdarada ah ee Suldaan Mawliid lagula kacay oo ay naga caawiyeen dareenkooda , hadday Mediayaha tahay iyo hadday Social media tahayba, halkaasanu shacbig warkiisa ka helnay oo guddo iyo dibadna waanu u mahadnaqaynaa.” Ayuu yidhi Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi

Comments are closed