|

Ciidamo Go’doomiyey Caasimadda Garowe iyo Isku Socodka Oo Hakad Galay

Garowe 04 Oct  2015 (SDN/QJ):- Magaalada garoowe ee Xarunta maamulka Puntland ayaa waxaa xidhan labada kaantarool ee laga soo galo lagana baxo ee degmadaasi kadib markii ay xidheen ciidamo gadoodsan oo ka cabanaya mushaar la,aan.

ciidan-300x169Gadoodka ay sameeyeen Ciidamadu ayaa waxay sababtay inaanay maanta wax gawaadhi ah ka bixin kana galin kantaroolada looga kala safro gobolada Mudug iyo Bari waxaana sidoo kale hakad galay isusocodka Gawaadhida ka howlgala Magaalada Garoowe .

Hore  ayaa ciidamado gadoodsan sidan oo kale waxay u qabsadeen qaybo kamid ah gobolka mudug kuwas oo fadhiisino ka dhigtay xarumihii ugu muhiimsanaa gobolka Mudug sida Bandhiga iyo kantroolka xarfo oo sidoo kale ay qabsadeen kadibna lagu dhameeyey waan waan iyo waxgarad galay arintaasi.

Ciidamadan gadoodsan ayaanay  jirin wax ka hadlay oo dhanka maaamulka ah waxaana sidoo kale jiray warar kale oo sheegayey in Taliyaha ciidamada darawiishta Puntland uu is casilayo hadii aan la bixin mushaarka ciidamada

Comments are closed