|

Wasiirada Arrimaha Debadda, Warfaafinta Iyo Caafimaadka Oo Waftiga Madaxweynaha Kaga Biiray Dalka Imaraadka Oo Ay Saaka Ka Duuleen

Dubia, 04 Oct  2015 (SDN/QJ)- Wasiirada Arrimaha Debadda, Warfaafinta iyo Caafimaadka ayaa Magaalada Dubai kaga biiray Waftiga Madaxweynaha Somaliland, Mud. Axmed Maxamed Siilaanyo oo maanta u anbabaxay dalka Ireland, halkaas oo martiqaad rasmiya loogu casuumay madaxweynaha iyo weftigiisa.

 

sadexWaftiga Madaxweynaha Somaliland hoggaaminaayo oo hore ugu sii hakaday dhawr maal mood dalka Imaraadka Carabta waxaa hore u sii joogay Madaxweynaha oo ay weheliyaan Wasiirka Madaxtooyadda,  Marwada Koowaad. Waxaana hadda ku biiray waftiga Madaxweynaha Somaliland, Wasiirka Arrimaha Debadda Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirka Warfaafinta Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) Wasiirka Caafimaadka Dr. Saleebaan Ciise Xaglatoosiye.

 

ddWaftiga Madaxweynaha Waxaa Ku sii sagootiyay waaxda VIP da garoonka Dubai, Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Imaraadka Carabta Baashe Cawil Xaji Cumar.

Comments are closed