|

“Shiinaha Iyo Maxaabiista u Xidhan Fikirkooda Diinta Kala Baxa Xubnaha Muhiimka ah ee Jidhka Iyo Warbixin Dhiilo leh”

Hargeysa, 04 Oct  2015 (SDN/QJ)- Warbixin naxdin leh oo la soo saaray, ayaa bannaanka soo dhigtay in dawladda Shiinuhu xubnaha muhiimka ah ee jidhka bani’aadamka kala baxday kumanaan maxaabiis ah oo arrimaha diimaha ugu xidhan jeelasha kala duwan ee waddanka Shiinaha.

0239B1600000044D-3257383-image-a-1_1443781090572-300x201Sidaana waxa lagu shaaciyey filim dukumantari ah oo ay diyaariyeen suxufi la yidhaah Ethan Gutmann oo aqoon u leh arrimaha baadhista iyo dabo-galka ah (Investigative journalist), kaasoo ay wehelinayeen koox dhinaca baadhista ku takhasusay oo ka socda dalka Canada (Kanada) ee waqooyiga Ameerika oo uu hormuud u yahay looyar u dooda arrimaha xuquuqal-insaanka oo la yidhaah David Matas iyo Xoghaha Arrimaha Dibadda ee dalka Canada Mr. David Kilgour, kuwaasoo warbixintooda ku iftiimiyey in maxaabiista u xidhan caaqiidada diinta ee ay aaminsan yihiin lagala baxo xubnaha mihiimka ah ee kelyaha, beerka, wadnaha iyo indhaha, gaar ahaan qaybta cad ee isha (corneas).

Sida lagu baahiyey waryeyska Dailymail ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ooMaankaab soo xigtay xalay, xogta ugu badan ee la xidhiidha maxaabiista iyagoo nool lala baxo xubnaha jidhkooda, waxa laga soo xigtay nin dhakhtar ah oo la yidhaah Dr. Enver Tohti, asal ahaana ka soo jeeda qoomiyadda muslimiinta ah ee Uyghur ee ku dhaqan galbeedka dalka Shiinaha, gaar ahaan Gobolka Xinjiang, iyadoo aan warbixinta lagu xusin in muslimiintu ka mid yihiin maxaabiista loo xidho fikirkooda diinta ay aaminsan yihiin ee lagala baxo xubnaha jidhkooda, balse, waxa barnaamijkan dukumantariga ah si guud uga hadlay dhibaatooyinka qalafsan ee lagu hayo dadka diimaha kala duwan aamisan ee ku jira jeelasha Shiinaha.

275D6B3300000578-0-image-a-1_1428480695468Barmaamijkan dukumantariga ah ee lagu shaaciyey in kumanaan maxaabiista diimaha ugu xidhan dalka Shiinaha lagala baxay xubnaha jidhkooda ee muhiimka ah oo laga baahiyey dalka Maraykanka toddobaadkan, magaciisuna yahay Hard to believe (way adagtahay in la rumaysto), waxa lagu caddeeyey in xubnaha lagala baxo maxaabiista jidhkooda lagu iibiyo saylado kala duwan, kuwaasoo ay lacago qaali ah ku iibsadaan dad u baahan xubnahaas, sida kelyaha, beerka iyo wadnaha, waaxayna baadhayaal u dhashay dalka Canada ee waqooyiga Ameerika sheegeen in suuqa lagu iibiyo xubnaha bani’aadamka ee gudaha waddanka Shiinaha laga sameeyo ganacsi qiimihiisu yahay ballaayiin doollar (billions of dollar).


Dr. Enver Tohti oo ku takhasusay qalliinka, kuna nool dalka Ingiriiska, ayaa filimka dukumantariga ah ku soo bandhigay fadeexado ka dhan ah xuquuqaha bani’aadaamka oo uu goob-joog u ahaa, isagoo xusay in mar uu ku sugnaa dalka Shiinaha sannadkii 1994 loo qaaday goob dadka maxaabiista ah lagu khaarajiyo, isla markaana lagu amray inuu ka saaro xubnaha muhiimka ah ee jidhka qof maxbuus ahaa oo dhulka jiifay, naftuna ku jirto, iyadoo qofkaas maxbuuska ah jeelka ugu jiray caaqiido-diimeed uu aaminsanaa, waxaannu ninkaad digtoorka ah ee u dhashay dalka Shiinuhu caddeeyey inuu baarlamaanka Midawga Yurub u gudbiyey xogo badan oo la xidhiidha tacadiga lagula kaco dadka maxaabiista ah gudaha Shiinaha.

2D021C4600000578-3257383-image-m-19_1443792064326Waxa kaloo dukumantagan naxdinta xambaarsan lagu soo bandhigay qiimaha cusbitaallada dalka Shiinuhu ku iibiyeen xubnaha kala duwan ee jidka bani’aadamka, taasoo muujisay in xubinta isha ah la siiyo lacag dhan $30 kun oo doollar, halka xubinta kelida ah la qiimo tahay $62 kun oo doollar, iyadoo beerka ama wadnaha lagu kala iibsado lacag dhan $130 kun oo doollar, qiimahaas qaaliga ah ee xubnaha jidhka la kala siisto waxa uu sabab u noqday in dawladda Shiinuhu dadka maxaabiista ah, gaar ahaan kuwa arrimaha diimaha ay aaminsan yihiin u xidhan iyagoo nool kala baxdo xubnaha muhiimka ah, waxaanna arrintaas lagu tilmaamay mid ka mid ah tacadiyada ugu xun ee waqtigan ka dhaca adduunka guudkiisa.

Waddanka Shiinaha oo ku dhaqma nidaamka shuuciga ah, ayaa dadka dalkiisa ka mamnuucay inay ku dhaqmaan diimaha ay aamisan yihiin, iyadoo cidda ugu badan ee dhibaatooyinka la kulmaa yihiin qoomiyadaha muslimiinta ah oo xaataa loo diido soonka iyo salaadaha waajibka ku ah.

 

 

 

Comments are closed