|

“KULMIYE Weligiiba wuu Tartami Jiray oo is khilaafi Jiray, Haddana Wuxuu ku Kala Bixi Jiray Shuruucda u Taal”

Hargeysa, 04 Oct 2015 (SDN/QJ)- Guddoomiye-ku-xigeenka Golaha Dhexe ee xisbal-xaakimka Somaliland ee KULMIYE Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa oo ka tirsan Golaha Wakiillada, ayaa sheegay in aan marnaba burbur looga baqayn xisbigooda xaraaradda tartanka loogu jiro murrashaxiinta dhexdiisa awgeed.
Xildhibaan Maxamuud Jaamac WarfaaShirka Golaha Dhexe ee KULMIYE oo lagu dooran doono murrashaxiinta jagooyinka madaxweynenimo iyo ku-xigeenka xisbiga uga qaybgali doona doorashooyinka soo socda, ayaa loo muddeeyey in la qabto 10 bisha November ee sannadkan 2015, waxaanna si wayn loo dareemayaa tartan adag oo dhexmari doona Guddoomiyaha KULMIYE iyo xubno siyaasiyiin xisbiga ka tirsan, iyadoo dad badani walaac ka muujinayaan saamaynta arrintaasi yeelan doono.
Haseyeeshee, Guddoomiye-ku-xigeenka Golaha Dhexe ee KULMIYE Md. Maxamuud Jaamac Warfaa, ayaa meesha ka saaray walaacaasi, “Dimuqraadiyaddu waa tartan, maaha dadku inay iska baqaan, laakiin kolba sida loo maamulo ciddaa tartamaysa iyo shuruucda u taal ayuun baa kala saaraysa, balse waa dimuqraadiyad oo waa la tartamayaa, maaha dadku inay ka cabsadaan oo yidhaahdaan waa la baaba’ayaa, xisbiga KULMIYE weligiiba wuu tartami jiray, weligiiba ra’yiga waa la isku khilaafi jiray oo la isku qabsan jiray, haddana xisbigu wuxuu ku kala bixi jiray uun shuruucda u taal,” ayuu yidhi Md. Warfaa oo waraysi kooban siiyey telefishanka Soomaali News Tv shalay.
Waxa kaloo uu tilmaamay in weli Madaxweyne Siilaanyo yahay murrashaxa xisbiga, maadaama aannu caddayn inuu tanaasulay, isla markaana xallinta iyo kala doorashada murrashaxiintu isaga u taalo, waxaannu yidhi, “Madaxweynuhu isagaa weli ku jira waqtigii labaad ilaa haddana waan tanaasulay muu odhan, markaa ilaa iminka isagaa murrashax ah, dadkan kale ee is dabayaacayana arrintooda waa bilaash, laakiin haddii uu tunaasulo Madaxweynuhu waxa iman doonta in lagu tartamo xisbiga gudihiisa oo golaha dhexe fadhigaa ku kala saari doono.”
“Madaxweynuhu isagaa odaygii xisbiga ah iyo Madaxweynihii dalka ah, mar walba isaga ayey ku xidhmaysaa inuu arrintaa dhammaystiro, haddii uu tanaasulayo waa inuu soo saaraa oo uu keenaa murrashaxii tartami lahaa,” ayuu intaa raaciyey Xildhibaan Warfaa.

Comments are closed